Ereyga Maanta: sawrac
dhulgoyn (jool.) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
dhuljarid (jool.) Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
dhulkasoofuur Boqoshaa.
dhullaawe Qof aan waddan lahayn.
dhullax Kasoobbax yar. ld dhullux.
dhulley Dad dhul ballaaran leh.
dhullux ld dhullax.
dhulmad ld dhulman.
dhulman Qolof adag fidsan, laba qalbac ah oo nafleyda yaryar ee baddu ku dhex nooshahay. ld dhulmad.
dhulmareen 1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.
dhulqaadasho eeg dhulqaado.
dhulqaado U dh.: wax u adkaysasho.
dhulqabad ld dhulqabasho.
dhulqabasho eeg dhulqabo. ld dhulqabad.
dhulqabo Si fudud dhaqan ugu barasho.
dhulub Koob yar oo aan dheg lahayn; bilaale, murbay.
dhululub (xis.) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
dhululubo Koombo.
dhuluuluc (1) Finan yaryar, aan xanuun lahayn oo riyaha dushooda ka soo baxa marka roob badani ku da'o. ld dhuluulux¹.
dhuluuluc (2) Dhuluuluc yeelasho (riyo). ld dhuluulux².
dhuluulucid eeg dhuluuluc². ld dhuluuluxid.
dhuluulux (1) ld dhuluuluc¹.
dhuluulux (2) ld dhuluuluc².
dhuluuluxid ld dhuluulucid.
dhulxaar Dhulfiiq.
dhumbad ld yumbasho.
dhumbasho ld yumbasho.
dhumbi ld yumbi.
dhumbin ld yumbin.
dhumbo ld yumbo.
<< < 430 431 432 433 434 435 436 437 438 439 440 > >>