Ereyga Maanta: dhabataysi
dhumi 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid.
dhumid eeg dhun.
dhumin eeg dhumi.
dhummay (dhummay, m.dh) Geed-abaareed ay maygaagga isku bahyihiin oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar leh.
dhumuc Inta wax dherer leh, siman ballarkiisa ama weynaantiisu le'egtahay.
dhumuq Laf-dhabarta afkeeda hoose.
dhun Wax baadiyoobay ama hallaabay noqosho.
dhunji Cunaha marin iyadoo caloosha loo riixayo (cunno, cabitaan iwm).
dhunjin eeg dhunji. ld dhunjis, dhunxin, dhunxis.
dhunjis ld dhunjin.
dhunkaal 1. Geed-nugeyl gaaban, cad, oo caleemo balballaaran oo xooluhu jecelyihiin leh, oo xabagtiisu sun tahay. 2. Xabagta dhunkaasha ee sunta ah.
dhunkad ld dhunkasho.
dhunkasho 1. eeg dhunko. 2. Shummis. ld dhunkad.
dhunko Bushimaha cid kale ku taabasho kalgacayl ama xurmo awgeed.
dhunkuluulux (1) Dh. ah: cunto aad loo kariyey oo muudmuudday.
dhunkuluulux (2) Cunto aad loo kariyey muudmuudid.
dhunkuluuluxi Cunto dhunkuluulux ka dhigid.
dhunkuluuluxid eeg dhunkuluulux².
dhunkuluuluxin eeg dhunkuluuluxi. ld dhunkuluuluxis.
dhunkuluuluxis ld dhunkuluuluxin.
dhunkuluuluxsad ld dhunkuluuluxsasho.
dhunkuluuluxsan Wax la dhunkuluuluxiyay ahaansho (cunto).
dhunkuluuluxsanaan eeg dhunkuluuluxsan. ld dhunkuluuluxsanaansho.
dhunkuluuluxsanaansho ld dhun- kuluuluxsanaan.
dhunkuluuluxsasho eeg dhun- kuluuluxso. ld dhunkuluuluxsad.
dhunkuluuluxso Cunto dhunkuluulux ka dhigasho.
dhunkuxsad ld dhunkuxsasho.
dhunkuxsasho eeg dhunkuxso. ld dhunkuxsad, dhunkuxsi.
dhunkuxsi ld dhunkuxsasho.
dhunkuxso Wax adag oo aan la calaalin liqid.
<< < 431 432 433 434 435 436 437 438 439 440 441 > >>