Ereyga Maanta: maleeqo
dikaan (2) Dikaan dareemid (nafley).
dikri (1) ld digri¹.
dikri (2) ld digri².
dikriyid ld digriyid.
diktatoor Keligi-taliye.
diktatooriya xukun qof kali ahi ku ammarkutaagleeyo. ld diktatooriyad.
diktatooriyad ld diktatooriya.
diktatoornimo diktatoor ahaansho.
dil (1) 1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.
dil (2) 1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid.
dilaa 1. Qof ama bahal aad wax u laaya. 2. Cudur nafleyda safmar u dila. ld dile.
dilalyo Daal.
dilan (1) 1. Ilmo dhawr bilood ah oo uurka ku qoonmay. 2. Dhul mudda badan la daaqaayay oo xaalufay. 3. ld dilmid.
dilan (2) 1. Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geryoomid. 2. Ilmo dhawr bilood ah uur ku qoonmid.
dilan (3) 1. Wax la qurgooyay ahaansho (nafley).
dildil Summad geela lagu dhigo oo ah alif jiif ahaan caloosha loogu jiido.
dildillaac (1) Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iwm.
dildillaac (2) (jool.) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.
dildillaac (3) Dhul, dhar, oogo nafley, jeexjeex yeelasho. Tus. “Dhulki baa dildillaacay”.
dildillaaca-waaberi Xilliga iftiinka subaxnimo bilaabanayo.
dildillaaci Wax dildillaac u yeelid.
dildillaacid eeg dildillaac².
dildillaacin eeg dildillaaci.
dildillaacsan Wax dildillaacay ahaansho.
dildillaacsanaan eeg dildillaacsan. ld dildillaacsanaansho.
dildillaacsanaansho ld dildillaac- sanaan.
dile Kan wax dilay, ama wax dilid badan. ld dilaa.
dili Jaad geedaha ka mid ah oo jiinka webiyada ka baxa.
dilid eeg dil². ld dilniin.
dililiqo ld dilindilqo.
<< < 451 452 453 454 455 456 457 458 459 460 461 > >>