Ereyga Maanta: wiriqlaawe
dooray Neef caano yar.
doorbid Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid.
doorbidid eeg doorbid.
doori 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
doori (1) Ilmo yar, lo'ah oo aan hooyadii lala nuugin.
doori (2) 1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid.
dooribeyn Qalab yar oo bikaaco leh oo waxa fog muuqaalkooda soo dhaweeya.
doorid eeg door². ld door¹ (3).
doorin eeg doori². ld dooris.
doorin (1) eeg doori. ld dooris.
doorinuug ld dooritus.
dooris ld doorin.
dooriso Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo d.).
dooritus D. ah: neef xoolo ah oo marka ilmihiisu nuugayaan dadka iyo xoolaha kale ka fogaada. ld doorinuug.
dooro (1) 1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
dooro (2) 1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin.
doorroone Qof aad u wanaagsan.
doorsad ld doorasho.
doorsamid eeg doorsan¹. ld door- soomid, doorsoon¹.
doorsan (1) Wax siduu ahaa si ka duwan noqosho. ld doorsoon² (2).
doorsan (2) 1. Wax siduu ahaa si ka duwan laga dhigay ahaansho. 2. Qof maankiisu beddelen yahay ahaansho.
doorsanaan eeg doorsan². ld doorsanaansho.
doorsanaansho ld doorsanaan.
doorsasho eeg doorso. ld doorsad, doorsi.
doorshaan Cayayaan wasakh ku nool ah oo leh qolof adag, baalal iyo lix lugood; xaarwalwaal.
doorshe ld doolshe.
doorsi ld doorsasho.
doorso 1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho.
doorsoome (xis.) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.
doorsoome-ku-xiran (xis.) Haddii y ay tahay fansaarka x, taas oo, haddii fansaarka hal qiime oo y ah uu ku aadayo qiime kasta oo x ah, markaa ay waa doorsoome ku xiran.
<< < 464 465 466 467 468 469 470 471 472 473 474 > >>