Ereyga Maanta: boolicun
duugoobid eeg duugow². ld duugow¹.
duugow (1) ld dugoobid.
duugow (2) Duug noqosho (wax).
duuh I tus.
duul (1) (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin.
duul (2) 1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni.
duul (3) 1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid.
duul (4) Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid.
duulaa Halaq halis ah, boodda dheer oo madow.
duulal ld duul¹ (2).
duulduul (1) 1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. ld duulduulid.
duulduul (2) Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid.
duulduulid eeg duulduul². ld duulduul¹ (2).
duule Qof dhibaato badan, dhallin yar.
duule (1) Col; qof duulaya.
duuli Diyaarad iwm hawada dhexdeeda ku wadid.
duuli (1) Col dagaal u hoggaamin.
duulid eeg duul². ld duulis.
duulin eeg duuli.
duulis ld duulid.
duuliye Qof diyaaradaha wada.
duuliye (1) Taliye.
duullaan 1. ld duullan, duullimaad. Aadidda col dagaal aado. 2. D. ah: col in ay dagaal qaadaan u socda.
duullan ld duullaan (1).
duullimaad Ku socoshada diyaarad, shimbir iwm hawada ku dhex socdaan.
duullimaad (1) Ku socoshada diyaarad, shimbir iwm hawada ku dhex socdaan.
duullimaad (2) ld duullaan (1).
duumadhawr (1) D. ah: qof sugaya dhimashada qof uu dhaxalkiisa leeyahay.
duumadhawr (2) 1. Gabar yar, oo aan weli qaan gaarin oo xigsiisan loo siiyay nin walaasheed ka dhimatay. 2. Koox caafimaad ah oo la dagaallanta cudurka kaneecada.
duumo (daaw.) Cudur qandho qabow iyo kulayl isugu jirta leh oo dadku ka qaadaan kaneecada nooceeda dheddig.
<< < 488 489 490 491 492 493 494 495 496 497 498 > >>