Ereyga Maanta: marjiid
duun D.kayga, d.kaaga iwm: laftayda, laftaada iwm.
duunkiyeel Qof madax adag oo aan talada dadka raacin ee sidii uu doono yeela.
duunyo 1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
duur 1. Meel geedo badan oo jiq ah leh, oo aan cidi degganayn. 2. D.gal: duudgaloobidda (qof). 3. (-rar, m.l) Nooc cawska ka mid ah oo aad u dhaadheer, oo hawdka ka baxa xooluhuna cunaan.
duurgal 1. Neef aan xoolaha raacin. 2. ld duurgelid. Qof ehelkiisa ka carara. 3. Hanti ajuuro ahaan loo siiyo dadka dhirta wax ku daweeya. 4. ld duurgelid.
duurgaloobid ld duudgaloobid.
duurgalow (1) ld duudgaloobid.
duurgalow (2) ld duudgalow².
duurgelid Diididda ruux diido in uu ehelkiisa la noolaado. ld duurgal (2).
duurjoog 1. ld cidla'joog. Nafleyda inta duurka ku nool ee dadka nacfiga u leh. 2. Dhammaan xaywaanka aan ladhaqan (saynis).
duurxul (1) 1. Hadal sarbeeb ah oo cid loo jeediyo. 2. ld duurxul.
duurxul (2) U d.: hadal sarbeeb ah cid u jeedin.
duurxulid eeg duurxul². ld duurxul¹ (2).
duw 1. (f.g) Wax leexin. 2. (f.g) Cid wax tusid. 3. (f.mg) Ku d.: wax meeshii lala rabay ku toosin; aadsiin; ku leexin. 4. (f.mg) Iskud./isud.: wax isku dubbarrid.
duwali 1. Wax dawladaha adduunka oo dhan u dhexeeya. 2. ld dowli 1 (2).
duwan 1. Ka d.: wax la duway ahaansho. 2. Kala d.: wax, wax kale aan la nooc ahayn ahaansho.
duwanaan eeg duwan. ld duwa- naansho.
duwanaansho eeg duwanow. ld duwanaan.
duwanow Ka d.: wax aan wax kale la nooc ahayn noqosho.
duwasho eeg duwo.
duwid eeg duw.
duwo Wax leexsasho (cid).
dux (1) Dufan, dheef, shux.
dux (2) (baay.) Koox iskudhis oorgaanika ah oo laga helo noolayasha kuwaas oo aan ku milmin biyaha haseyeeshee ku milma milayaasha oorgaanikada sida koloorofoom, baasiin iwm.
dux (3) Laf iwm dufan dibadda u soo saarid.
dux-foosfeyt (kiim.) Dux ay ku jirto koox foosfeyt oo qayb muhiim ka ah molikiyuulka. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey gilisarool ku dhegsan laba asiidh duxeed, koox foosfeyt iyo beys naytaroojiin. D.f.ku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin xuubabka unuggu.
duxi (1) ld dixi.
duxi (2) Laf iwm dux ka dhalin.
duxid eeg dux³.
duxin eeg duxi². ld duxis.
<< < 489 490 491 492 493 494 495 496 497 498 499 > >>