Ereyga Maanta: awaaji
baxnin Shuban.
baxri 1. Dad doonyada ka shaqeeya oo tabta iyo xeeladaha badda yaqaan. 2. Dabayl dhanka badda ka timaadda.
baxsad 1. B. ah: qof meel lagu ogaa si sharcidarro ah uga fakaday meeshi lagu ogaa. 2. B. ah: neef xoolo ah oo ka fakaday meeshi lagu ogaa. 3. ld baxsasho.
baxsan 1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iwm ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iwm wax fidsan ahaansho.
baxsanaan (1) eeg baxsan. ld baxsanaansho.
baxsanaan (2) (daaw.) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.
baxsanaansho ld baxsanaan.
baxsasho eeg baxso. ld baxsad (3), baxsi.
baxshuush Bacaw.
baxshuushsan Wax baxshuush hayo ahaansho.
baxshuushsanaan eeg baxshuushsan. ld baxshuushsanaansho.
baxshuushsanaansho ld baxshuushsanaan.
baxsi ld baxsasho.
baxsii ld bixi.
baxsiin ld bixin.
baxsiis 1. Ceel cusub oo markaas la qoday. 2. Biyaha ceel cusub oo markaas la qoday. 3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex saaro. 4. ld bixin.
baxso 1. Wax meel ku jirey kala bixid. 2. Nafley wax halis u ah ka cararid. 3. Ka b.: nafley halis ka badbaadid.
bayaad Baaxadda awrka.
bayaan 1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.
bayaani Wax bayaan ka dhigid.
bayaanin eeg bayaani.
bayaxaw 1. Xiddigta u dhexeysa garbo iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.
bayb Qalab ka kooban dhuun dhuuban iyo madax kuusan oo dhexda ka dalaloola oo tubaakada lagu dhuuqo. ld beeb, biibbo.
baybayle ld bayrabayre.
baybaysasho eeg baybayso. ld baybaysi.
baybaysi ld baybaysasho.
baybayso Waalid sasabasho (carruur).
bayd 1. Xarig ama suun xoolaha la rarayo ama heensaynayo gardaadka looga xiro si uu rarka ama koorahu gadaal ugu dhicin. 2. Gardaad.
baydaan Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.
baydacar Bey midab dacar ah ku dhafanyahay.
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>