Ereyga Maanta: kelmi
beer-abuur Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. ld beerabuurid, beerabuuris.
beer-aqoon (1) Qof cilmiga beeraha aqoon u leh.
beer-aqoon (2) Aqoonta cilmiga beeraha.
beer-aqoonnimo Beeraqoon ahaansho.
beerabuurid ld beerabuur.
beerabuuris ld beerabuur.
beeraley Dad beeraha tacbada, kuna nool. ld beerrey (2).
beeran (1) 1. Miro geedo iwm wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid.
beeran (2) Miro, geedo iwm wax dhul lagu beeray ahaansho.
beerasho eeg beero.
beercaddaad 1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. ld beercaddaansho.
beercaddaansho eeg beercaddow. ld beercaddaad (2).
beercaddow Oohin badan, daal iyo dhibaato ka mudasho (ilmo).
beerdulacsad ld beerdulucsasho.
beerdulacsasho ld beerdulucsasho.
beerdulacsi ld beerdulucsasho.
beerdulacso ld beerdulucso.
beerdulucsasho eeg beerdulucso. ld beerdulacsad, beerdulacsasho, beerdulacsi, beerdul.
beerdulucsi ld beerdulucsasho.
beerdulucso Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. ld beerdulacso.
beerfal ld beerfalid.
beerfalasho Hawsha beerta laga qabto si dalag looga helo.
beerfalid Xilli haramada laga jaro beerta. ld beerfal, beerfalis, beerfalow (2).
beerfalis ld beerfalid.
beerfalow 1. Wax ka beeridda dhulka dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. ld beerfalid.
beerfarriije Geesi dilaa ah.
beerfuur ld beergooyo.
beergooye ld beergooyo.
beergooyo Siinta qof ku soo biiray dad beeralay ah oo meel wada deggan la siiyo dhul ku meel gaar ah oo uu sii beeryo. ld beerfuur, beergooye.
beergoys Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>