Ereyga Maanta: maansabooli
haanyood eeg haanyoo.
haar 1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban.
haar (1) Qaylo, taah, dhaqdhaqaaq iwm oo uu sameeyo qof xanuun badani hayo.
haar (2) Xanuun awgiis la taahid (qof).
haaraamid eeg haaraan². ld haa-raan¹.
haaraan (1) 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid.
haaraan (2) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
haarayn eeg haaree.
haaree Qof haar u yeelid.
haarguduud Meel leh xammuuradda maryaha la gasho.
haarid eeg haar².
haaruf Nabarrada ay cadhada iwm ay oogada ku reebaan.
haasaase Wax la filayo in ay ka dhashaan hawl soconeysa.
haasaawayn eeg haasaawee. ld haasaawin.
haasaawe 1. Sheeko maaweelo leh oo laba qof ama ka badan dhex marta. 2. Sheeko nin iyo naag isku xodxodanaya dhax marta.
haasaawee 1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi.
haasaawi ld haasaawee.
haasaawid eeg haasow². ld haasow¹.
haasaawin ld haasaaweyn.
haash 1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. ld qaash.
haashaar Muuqaal qurux iyo xarrago leh; shoob, mardaadi.
haasow (1) ld haasaawid.
haasow (2) La h.: haasaawe samayn.
haatan Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
haati ld haadi.
haatif Wax hadalkooda la maqlo oo aan muuqan. ld haatuf.
haatin ld haadin.
haatuf ld haatif.
haaw (1) Firo, biddo.
haaw (2) Ciid bidid.
<< < 676 677 678 679 680 681 682 683 684 685 686 > >>