Ereyga Maanta: findoob
hanaqaadid eeg hanaqaad². ld hanaqaad¹ (2).
hanasho eeg hano.
handaawad Ubbo tolay ah oo weesada lagu qaato.
handabo Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tus. “Cali naaguhuu handabo ku qabaa”.
handad (1) . 1. ld hanfad ¹, hanfaf. (-dyo, m.dh) Hinqasho, boodid. 2. ld haddidid. 3. ld handadid.
handad (2) 1. (f.g) Qof u cagajuglayn. 2. (f.mg) Bootin fudud nafley dagaal maagani boodid. 3. (f.mg) Qof hurda nixid.
handadaad Cabsi gelin cid loo gaysto. ld haddidid.
handadi Cid sasin. ld hanfadi.
handadid 1. ld handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. ld haddidid.
handadin eeg handadi. ld hanfadin.
handaraab (1) Bir albaabada lagu qataaro qufulkana lagu xiro.
handaraab (2) Albaab handaraab gelin.
handaraaban Albab wax la handaraabay ahaansho.
handaraabasho eeg handaraabo.
handaraabid eeg handaraab².
handaraabnaan eeg handaraaban. ld handaraabnaansho.
handaraabnaansho ld handaraab-naan.
handaraabo Albaab handaraab ku xirasho.
handuul 1. Sariir yar oo ilmaha lagu lulo. 2. Naxash. 3. Sariir doomaha derbiyadooda ku dheggan oo ay seexdaan rakaabka qaarkood.
hanfaafurraysad ld hanfafurraysasho.
hanfaafurraysasho eeg hanfaafurray-so. ld hanfaafurraysad, hanfaafuraaysi.
hanfaafurraysi ld hanfaafurraysasho.
hanfaafurrayso Cunto yar qadada ama cashada ka hor sii cunid.
hanfaafurro ld hanfaafuryo.
hanfaafuryo Cunto yar oo qadada ama cashada ka hor la cuno. ld hanfaafurro.
hanfad (1) Illaawidda wax la illaawo degdegsiinyo iyo fudayd dartiis. ld handad¹.
hanfad (2) Ka h.: Wax degdegsiinyo iyo fudayd dartiis la illaawid. ld hanfad².
hanfade Qof illow-shiinyo badan oo fudud.
hanfadi (iyay, -isay) ld handadi.
hanfadid ld handadid.
<< < 701 702 703 704 705 706 707 708 709 710 711 > >>