fuuntoUkun waqtigii la isticmaali lahaa dhaaftay oo aan waxtar lahayn. ld fuundo.
fuuntoobideeg fuuntow. ld fuundoobid.
fuuntow Ukun fuunto noqosho. ld fuundow.
fuuq1 Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
fuuq21. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iwm xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. ld fiiq².
fuuq3 Hoore si tartiib ah uga dhergid.
fuuqbax(daaw.) Biyaha oo ka yaraada soohyada jirka, waxayna ka iman kartaa: qaadasho la'aan biyo jirka ku filan. Biyo badan oo ka baxa jirka (dhidid, matag, shuban). Astaamo: harraad badan, itaal darro iyo lallabo.
fuuqdhabiil Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.
fuuqdhabiilnimoFuuqdhabiil ahaansho.
fuuqideeg fuuq³.
fuuqsadld fuuqsasho.
fuuqsashoeeg fuuqso. ld fuuqsad, fuuqsi.
fuuqsild fuuqsasho.
fuuqso Wax hiinsasho.
fuur11. Geed gaab aad u baxay oo dhulka qariyey. 2. Wax dhulka ka soo fooca. 3. F. ah: caano dhanaanay oo intii faarka ahayd kor soo martay.
fuur2 1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid.
fuuraaDhicis xoolaad oo isagoo bakhti ah dhashay.
fuurideeg fuur².
fuursan Wax fuurey ahaansho.
fuursanaaneeg fuursan. ld fuursanaansho.
fuuryeel Ka f.: wax la qaybsanayo qof qaybta uu ku leeyahay siin inta aan la qaybin.
fuuryeelideeg fuuryeel.
fuushan Wax, wax kale dusha ka saaran ahaansho.
fuushanaaneeg fuushan. ld fuushanaansho.
fuushanaanshold fushanaan.
fuushii ld fuuli.
fuushiinld fuulin¹.
fuusto Weel bir ah, adag, qaab dhululubo leh oo laba boqol oo litir qaada; barmiil. ld foosto.
fuwo1. Xidid asalkiisa lagu rinjiyo cawda. 2. Dhar aan xariir iyo suuf midna ahayn oo tayadiisu xuntahay. 3. ld fawo.
fuxshiFal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn.
<< < 68 69 70 71 72 73