Ereyga Maanta: hirqad
hertin ld hardiyid.
heshii La h.: qof arrin ku raacid.
heshiin eeg heshii. ld heshiis.
heshiis 1. Isku raacidda arrin go'aankeed la isku raaco. 2. ld heshiin.
heshiisii Dad heshiis ka dhex dhalin.
heshiisiin eeg heshiisii.
hey'ad Maamul xafiis iyo shaqaale u gaar ah leh; wakaalad. ld hay'ad.
heyl ld hayl.
heyr Shiir; shohor.
heys H. ah: kurus in yar dhan u janjeera.
hib Cod lagu muujiyo wax ilaa qarka la buuxiyo.
hibaaq 1. Ubax udgoon. 2. Udgoon.
hibasho eeg hibo².
hibee Wax, hibo u bixin.
hibeyn eeg hibee.
hibitiq (1) 1. Daadashada hoore dhibic-dhibic uga daato wax; hibiiriq. 2. ld hibitiqid.
hibitiq (2) Hoore dhibic-dhibic u soo dhicid.
hibitiqid eeg hibitiq². ld hibitiq¹ (2).
hibnoosis (daaw.) Xaalad hurdo ahaaneed ee lagu sameeyo sida badan qof u jenjera duufsashada iyo xasuusta dhacdooyinkii hore; waxaana sameeya qof xeeladda hibnoosiga yaqaan (hypnotist).
hibo (1) Deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo.
hibo (2) Dhacdo la dhibsado dib u xasuusasho.
hiddarraac (1) 1. Baaridda dad ama xoolo meesha asalkoodu ka soo jeedo la raadiyo. 2. Qof ku dhaqma caadooyinka soo jireenka ah ee dadkiisa. 3. ld hiddarraacid.
hiddarraac (2) 1. (f.g) Dad ama xoolo abkood iyo isirkood baarid. 2. (f.mg) Dad iyo xoolo firkood raacid.
hiddarraacid ld hiddarraac¹ (3).
hidde Soo yaal fil weyn oo la iska dhexlo oo ummad gaar ahi leedahay. ld hiddo.
hiddiwaale 1. ld hirimmaale. 2. Qof dadka been ku maaweeliya.
hiddo ld hidde.
hiddo-barasho (baay.) Laan ka mid ah cilmiga bayoolojiga oo ku shuqul leh barashada hiddaha iyo kala duwanaanshaha.
hiddo-barasho tirada dadka (baay.) Barashada filiqsanaanta, dhaxlidda, kala duwananshaha koox noole ah oo isku sinji ah.
hiddo-sheeg (baay.) Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
<< < 728 729 730 731 732 733 734 735 736 737 738 > >>