Ereyga Maanta: iimee
ayoon (kiim.) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.
ayoon-taban (kiim.) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.
ayoon-togan (kiim.) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.
ayoonisfeer (fiis.) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.
ayro Hal adkaysi badan oo cad iyo caano dheeraad ah leh.
aysootoonik (baay.) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tus. “Milan”, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh”.
b (ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
ba (-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
ba' (1) 1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.
ba' (2) 1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.
ba'an 1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.
ba'id ld bi'id.
ba'naan eeg ba'an. ld ba'naansho.
ba'naansho ld ba'naan.
ba'san 1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.
ba'sanaan eeg ba'san. ld ba'sanaansho.
ba'sanaansho ld ba'sanaan.
baa Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.
baab 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
baabaha masiixiga Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka.
baabasiir Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir
baabba' (1) 1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id
baabba' (2) 1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.
baabba'san Baabba' ku dhacay ahaansho.
baabba'sanaan eeg baabba'san. ld baabba'sanaansho.
baabba'sanaansho ld baabba'sanaan.
baabbaca-caleen (baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
baabbacayn eeg baabbacee. ld baabbacays, baabbaco (2).
baabbacays ld baabbacayn.
baabbacee Orod gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef geel).
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>