hiraab 1. Saacadaha dambe ee habeenka inta aan waagu beryin. 2. Cuntada soonka ee la cuno habeenka saacadihiisa dambe inta aan waagu beryin.
hiraabad ld hiraabasho.
hiraabasho eeg hiraabo. ld hiraabad.
hiraabo Suxuur cunid.
hiraabood Habeenka qaybtiisa dambe intaysan qorraxdu soo bixin.
hiraaci (1) H. ah: biyo, war, weel iwm balli ka buuxsamaya.
hiraaci (2) 1. Biyo fadhiya dhaqdhaqaaq yar samayn. 2. Balli, war, weel iwm biyo ka buuxsamid. ld haraaci².
hiraacin eeg hiraaci². ld haraacin.
hiraahir (1) Neeftuur xooluhu sameeyaan marka ay qorrax kulul qabato. ld haraahir¹, haraanhir¹, hiraanhir¹.
hiraahir (2) Nafley qorrax kulul qabatay neeftuur samayn. ld haraahir², haraanhir², hiraanhir².
hiraahirid eeg hiraahir². ld haraahirid, haraanhirid, hiraanhirid.
hiraahirsan Wax hiraanhir hayo ahaansho (nafley). ld haraahirsan, haraanhirsan, hiraan-hirsan.
hiraahirsanaan eeg hiraahirsan. ld haraahirsanaan, haraahirsanaansho, haraanhirsanaan.
hiraahirsanaansho ld hiraahirsan-aan.
hiraanhir (1) ld hiraahir¹.
hiraanhir (2) ld hiraahir².
hiraanhirid ld hiraahirid.
hiraanhirsan ld hiraahirsan.
hiraanhirsanaan ld hiraahirsanaan.
hiraanhirsanaansho ld hiraahirsa-naan.
hirad ld hirasho.
hirasho eeg hiro. ld hirad.
hirgal Hawl, shaqo iwm sidii loogu talaggalay u fulid.
hirgeli Hawl, shaqo iwm sidii loogu talaggalay u fulin.
hirgelid eeg hirgal.
hirgelin eeg hirgeli.
hirid eeg hir³.
hirig Xidh, hawd, juq, jiq iwm oo marka la dhex maro, dadka iyo xoolaha maqaarkooda dhibaato soo gaarsiiya.
hirimaddubbe Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, laga dheelo aroosyada laga ciyaaro degmada Boosaaso iyo agagaarkeeda.
hirimmaale Nooc ciyaarta sayliciga ka mid ah, laga ciyaaro aroosyada lagana dheelo xeebaha badda cas. ld hiddiwaale, hiyiwaale (2).
<< < 738 739 740 741 742 743 744 745 746 747 748 > >>