hooris ld hoorin.
hooromoon (c.nafl.) Walax loo soo saaro loona dhiiqiyo xaddi yar iyada oo qulqulka dhiigga ku dhiiqiyo qanjirka mariinla'aha ama unug dareen wade gaar ah. Waxa uu joogteeyaa koritaanka ama shaqada nudo ama organno goonni ah oo jidhka ka mid ah.
hoorri 1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.
hoorrimaad 1. Inta uu da'ayo roob curtay. 2. Tifqidda muddo hoore tifqayo. 3. ld hoorid.
hoorsad ld hoorsasho.
hoorsasho eeg hoorso. ld hoorsad, hoorsi.
hoorsi ld hoorsasho.
hoorso Weel, gacan iwm in wax lagu shubo u dhigasho.
hoos (1) Shey if ku qabtay oo ilees-ma-gudbiye ah harka ka soo baxa.
hoos (2) Meel ay wax kale ka sarreeyaan.
hoos (3) Wax har u yeelid.
hoos-carreed (jool.) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan-yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.
hoos-u-dhac (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.
hoosaas 1. Hoos sameyn. 2. Hiillo la qarinayo. 3. Daruur roob.
hoosaasi 1. Wax hoos u yeelid. 2. Cid u garab-goroyeyn.
hoosaasin eeg hoosaasi.
hoosaharre Dulin shilinta u eg dhiig-kunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badan yihiin; hooskuhar. ld hooskuhar.
hoosayn eeg hoosee.
hoosaysii Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin.
hoosaysiin eeg hoosaysii.
hoosdadab H. ah: caws, raro iwm geed ama aqal hoos looga duggaaliyo.
hoosdaloolo Iin wax yeeshaan.
hoosdhaw (1) 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. ld hoosdhebid.
hoosdhaw (2) Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.
hoosdhebid eeg hoosdhaw². ld hoosdhaw¹.
hoosdhig (1) ld hoosdhigid.
hoosdhig (2) Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.
hoosdhigid eeg hoosdhig². ld hoosdhig¹. hoose s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
hoosee Wax meel hoose jirid.
hooseeye Lambarka hooseeya lambarada jajabka.
<< < 747 748 749 750 751 752 753 754 755 756 757 > >>