keenid eeg keen³. ld keenis.
keenis ld keenid.
keenna (1) (kuweenna, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Gurigiisa keenna ayaa ka dhow”. .
keenna (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Aan aadno gurigeenna”. ld keen³.
keeno Siriq hoggaanka loo yeelo oo geela inta gafuurka loo suro lagu wado.
keensad ld keensasho.
keensasho eeg keenso. ld keensad.
keenso Wax meel durugsan ka qaadasho.
keer (1) (kuweer, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tus. “Keer baa fariistay meeshaadii ee ka kici”. .
keer (2) Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado.
keeratoosis (daaw.) Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
kefed ld kafad.
kelbed Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. ld kalbad.
kelbi Libaax-badeedka waaweyn nooc ka mid ah.
keli (1) 1. Geed yar oo leh laamo wada buruq-buruq ah oo aroorro leh oo dhirta daawada ka mid ah. 2. Oo k. ah: mid ah, aan la wehelin. 3. ld kelli¹.
keli (2) (nax.) Lidka wadarta (tus.: gabar (keli) gabdho (wadar)); eeg tiro.
keli (3) Wax aan la wehelin. ld kali.
keligillabe Nin hawlkar ah oo shaqo kasta ku wanaagsan.
keligitaliye (keligood taliyayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye waddan ku qabsaday xoog, awoodda xukunkana ku haysta si kelinnimo ah, tashi la'aan. ld kaligitaliye.
keligitashade ld kaligitashade.
keligitashe (keligood tashayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye, ama qof kale oo leh awood weyn, oo awooddiisuna ku isticmaala si xaq daro iyo cadowtinnimo. ld kaligitashade.
keligoodtashadayaal ld kaligood-tashadayaal.
kelinnimo Keli ahaansho.
kelitalis (siyaa.) Waddan dawladdiisu uu haysto qof keliya lehna awood kama dambaysi ah.
kelitashad ld kalitashad.
kelitashi ld kalitashad. keliya s. Aan wax wehlin; uun.
keliyeysad ld keliyeysasho.
keliyeysasho eeg keliyeyso. ld keliyeysad.
keliyeyso Ku k.: keli ku ahaansho (wax).
kelli (1) Biyomareen yar oo beeraha lagu waraabiyo. ld keli¹ (3).
<< < 896 897 898 899 900 901 902 903 904 905 906 > >>