lafallafoobid eeg lafallafow.
lafallafow Qof aad u caatoobid.
lafayn eeg lafee.
lafaysan Qof lafaha madaxa wax laga yeelay ahaansho.
lafaysnaan eeg lafaysan. ld lafaysnaansho.
lafaysnaansho ld lafaysnaan.
lafbolol (daaw.) Baaba'a sooha lafta oo keena in lafuhu khafiif noqdan oo ay jabi ogyihiin.
lafdhabar (1) 1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. ld lafduud.
lafdhabar (2) (c.nafl.) Xiriirka lafaha dhabarka oo ka bilowda salka lafta madaxa kuna dhammaada dabaggibinta. Waxay ka koobantahay 33 lafood waxaana dhex mara xangullaha, waxay isgoys xubneed la wadaagaan lafta madaxa, feeraha iyo miskaha; waxayna u kala baxaan 7 surka, 12 sabalayda, 5 dhabarka hoose, 5 araxda iyo 4 dabaggibinta.
lafdhabarla' Xayawaan aan lahayn lafdhabar.
lafdhabarley Nafleyda inta lafdhabarta leh.
lafdheer Lafaha dhaadheer ee dadka, ugaarta, dugaagga iyo duunyada.
lafdhumuq (c.nafl.) Meesha misigta iyo bowdadu iska galaan.
lafdi (nax.) Qaabka codeed ee astaan afeeddu ay leedahay, yacni ereyga qaabkiisa.
lafduud ld lafdhabar¹.
lafee Lafta madaxa jebin.
lafeysad ld lafeysasho.
lafeysasho eeg lafeyso. ld lafeysad, lafeysi.
lafeysi ld lafeysasho.
lafeyso 1. Lafo ruugid. 2. Nafley wax ay cunto weyday meelo unuunufid.
lafgarab Garabka intiisa lafta ah.
lafguri 1. Carjaw ku samaysanta xubinta taranka ee haweenka afkeeda sare marka la gudo ka dib. 2. Feex.
lafholac (daaw.) Halaamacoodka lafta oo uu keeno caabuq, waxyeelo ama isbeddel meetabooliisiimka.
lafil Qof la fil ah qof kale; asaag; eyni.
lafilaan L. ah: wax la saadaalin karo.
lafjeego (c.nafl.) Laf qaab weel godan leh ee ka mid ah qaybaha lafta madaxa oo sameysa qaarka dambe ee lafta madaxa iyo qaar ka mid ah salka lafta madaxa.
laflay (bot.) Midho jiidh leh oo ka yimaada hal ama dhowr kaarbal oo isku dhalaalay oo leh mid ka mid ah iniiyaha badan. Iniiyaha waxa ku daboolan qolof adag oo ah gudo midheedka midhaha. Tus.: qumbe.
lafmadax (c.nafl.) Lafta madaxa oo gudeheeda maskaxdu ku jirto.
lafo (dhaq.) Lacagta hore ee ganacsiga la geliyo; raasamaal.
lafoobid eeg lafow.
<< < 949 950 951 952 953 954 955 956 957 958 959 > >>