Ereyga Maanta: raquus
dhamas (2) Ul weyn, culus, adag oo aan qornayn.
dhambaal 1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iwm isu diraan.
dhambaalside Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. ld dhambaalwade, dhambaalwale.
dhambaalwade ld dhambaalside.
dhambaalwale ld dhambaalside.
dhambac Buur dhinaceeda hoose.
dhambacaad (1) ld dhambacaadid.
dhambacaad (2) Seexasho qof caloosha hoos marsado.
dhambacaadi Cid dhambacaad u jiifin.
dhambacaadid eeg dhambacaad². ld dhambacaad¹, dhambacaadis².
dhambacaadin eeg dhambacaadi. ld dhambacaadis¹.
dhambacaadis (1) ld dhambacaadin.
dhambacaadis (2) ld dhambacaadid.
dhambacaadsad ld dhabbacasho.
dhambacaadsasho ld dhabbacasho.
dhambacaadsi ld dhabbacasho.
dhambacaadso ld dhabbaco.
dhambal (1) 1. Dh. ah: galley hal mar makiinad lagu burburiyey. 2. ld dhambalid.
dhambal (2) 1. Raro. 2. Nooc aleesha ka mid ah oo inta la taxo dhiilasha iwm lagu qurxiyo. ld dhombol.
dhambal (3) 1. Wax si dherer ah u kala dillaacin. 2. Galley shiidid.
dhambalan (1) Wax la dhambalay noqosho.
dhambalan (2) Wax la dhambalay ahaansho.
dhambalasho eeg dhambalo.
dhambalid eeg dhambal³. ld dhambal¹ (2).
dhambalmid eeg dhambalan¹.
dhambalnaan eeg dhambalan². ld dhambalnaansho.
dhambalnaansho ld dhambalnaan.
dhambalo 1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho.
dhamcaso Digirta geedka ku taal inta aysan bislaan.
dhamid eeg dhan². ld dhamis, dhamitaan.
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 > >>