Ereyga Maanta: gurxan
dharasoobid eeg dharasow². ld dharasow¹.
dharasow (1) Jilcidda qof jirkiisu jilco da'awgeed. ld dharasoobid.
dharasow (2) Qof da'awgeed, wax jirkiisu jilcay noqosho.
dharayn eeg dharee.
dharbaax (1) ld dharbaaxo.
dharbaax (2) Wax dharbaaxo ku dhufasho. ld dharbaaxee, dhirbaax², dhirbaaxee.
dharbaaxayn ld dharbaaxid.
dharbaaxaysan Qof la dharbaaxay ahaansho. ld dhirbaaxaysan.
dharbaaxaysnaan eeg dharbaaxaysan. ld dharbaaxaysnaansho, dhirbaaxaysnaan.
dharbaaxaysnaansho ld dharbaaxaysnaan.
dharbaaxee ld dharbaax².
dharbaaxid eeg dharbaax². ld dharbaaxayn, dhirbaaxayn, dhirbaaxid.
dharbaaxo Sacab furan oo si xoog leh wax loogu dhufto. ld dharbaax¹, dhirbaax¹, dhirbaaxo.
dharbeel Qof arradid.
dharbeelid eeg dharbeel.
dharbi 1. Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. ld dharki.
dharbin 1. ld dharbis. eeg dharbi. 2. ld dharqin.
dharbis ld dharbin.
dharcad Qayb booliska ka mid ah oo u qaybsan dambi baarista oo labbis caadi ah qaata.
dhardhaar (1) 1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. ld dhardhaarid. ld dhadhaar¹.
dhardhaar (2) Naxash.
dhardhaar (3) (xis.) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.
dhardhaar (4) Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. ld dhadhaar².
dhardhaarad ld dhardhaarasho.
dhardhaaran Weel wax lagu karinayo, wax la dhardhaaray ahaansho. ld dhadhaaran.
dhardhaarasho eeg dhardhaaro. ld dhadhaarad, dhadhaarasho, dhadhaa- rad.
dhardhaarid eeg dhardhaar². ld dhadhaar¹, dhadhaarid, dhardhaar¹.
dhardhaarnaan eeg dhardhaaran. ld dhadhaarnaan, dhadhaarnaansho, dhardhaarnaansho.
dhardhaarnaansho ld dhardhaar- naan.
dhardhaaro Weel wax lagu karinayo dhardhaar u samaysasho. ld dhadharo.
<< < 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 > >>