Ereyga Maanta: Diilalyo
ninkarmeed Nin karti, geesinimo iyo deeqsinimo dheeraad ah leh.
ninnimo Nin ahaansho.
nintooxsad ld nintooxsasho.
nintooxsasho eeg nintooxso. ld nintooxsad, nintooxsi.
nintooxsi ld nintooxsasho.
nintooxso 1. Ceel keli shubasho. 2. Hawl keli ku qabasho.
niqid ld naqid.
nirgadhoob (c.nafl.) Cayayaan duula oo hinjibisada u eg oo derbiyada, laamaha geedaha iwm ku dhista buulal dhoobo ah. ld nirgasamays.
nirgasamays ld nirgadhoob.
nirig (1) Ubadka geela midka lab; qurbac.
nirig (2) Ubadka geela midka dheddig.
nis Weel yar oo qori ka samaysan, gacan leh oo biyaha la darsado; kalax.
nisbee U n.: wax inuu wax kale ka soo jeedo u aqoonsasho. Tus. “Deeqsinimada Cali waxaa loo nisbeeyaa aabbihiis”.
nisbeyn eeg nisbee.
nishaab (1) 1. Aqoonta toogashada yoolka. 2. Daldaloollada loo yeelo dhufaysyada si cadowga looga ilaaliyo. ld niishaab¹.
nishaab (2) Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. ld niishaab².
nishaaban (1) Ku n.: qori, fallaar iwm oo wax lagu shiishay noqosho. ld niishaaban¹.
nishaaban (2) Ku n.: qori, fallaar iwm oo wax lagu shiishay ahaansho. ld niishaaban².
nishaabid eeg nishaab². ld niishaabid.
nishaabmid eeg nishaaban¹. ld niishaabmid.
nishaabnaan eeg nishaaban². ld niishaabnaan, niishaabnaansho, nishaabnaansho.
nishaabnaansho ld nishaabnaan.
nishaabtamid eeg nishaabtan². ld niishaabtamid, niishaabtan¹, nishaabtan¹ (2).
nishaabtan (1) 1. ld niishaabtan 1. Tartan dadku ku tartamaan shiishka. 2. ld nishaabtamid.
nishaabtan (2) 1. Shiish ku tartamid. 2. Shiish u tababarasho. ld niishaabtan².
nishaad ld nashaad.
nishaaddaysan ld nashaaddaysan.
nishaaddaysnaan ld nashaaddaysnaan.
nishaaddaysnaansho ld nashaaddaysnaan.
nisyar Wax baaxaddiisa, laxaadkiisa iyo jimirkiisu yaryahay ahaansho (qof).
<< < 1135 1136 1137 1138 1139 1140 1141 1142 1143 1144 1145 > >>