Ereyga Maanta: gadaalabbar
quudin eeg quudi. ld quudis.
quudis ld quudin.
quudo Nafley cunto cunid.
quudowsasho eeg quudowso. ld quudowsi.
quudowsi ld quudowsasho.
quudowso Wax iimaansasho.
quudquuto ld qudunquuto.
quudsasho eeg quudso. ld quudsi.
quudsi ld quudsasho.
quudso Nafley cunto siisasho.
quulle Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iwm.
quun-saneed (c.nafl.) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
quuqlayn eeg quuqlee.
quuqle Qof qayla badan oo hadal aan macne lahayn ku hadla.
quuqlee Hadal aan macne lahayn ku hadlid.
quur (1) 1. Qiimaha iyo sharafta wax leeyihiin ama ku haboon yihiin ama ay istaahilaan oo loo diido. 2. Wax aan qiimo lahayn ama muquuno ah.
quur (2) Wax bixintooda hurid.
quurid eeg quur². ld quuris.
quuris ld quurid.
quuriwaa 1. (f.g) Wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid. 2. (f.mg) U q.: Xaasidnimo awgeed qof wax fiican oo ay haysato la nacbeysasho.
quuriwaayid eeg quuriwaa.
quursad ld quursasho.
quursasho eeg quurso. ld quursad, quursi.
quursi ld quursasho.
quurso 1. Qof xaqirid; yasid. 2. Wax saluugid.
quuruwalle Xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca.
quus (1) ld quusid.
quus (2) Ka rajo dhigidda laga rajo dhigo wax la sugayey ama la waayey.
quus (3) Biyo hoos u gelid; muquurid.
quusad ld quusasho.
<< < 1237 1238 1239 1240 1241 1242 1243 1244 1245 1246 1247 > >>