raaxayso 1. Nolol raaxo leh ku noolaansho. 2. Nasasho; daaltirasho.
raaxee 1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.
raaxo 1. Nolol aan dhib lahayn. 2. ld raaxayn.
raay 1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.
raayo 1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.
rab (1) Qarka meesha ugu sarreysa oo aan la fuuli karin.
rab (2) Meel; kob.
rab (3) Wax niyadda ka jeclaysasho.
rabaal Meel taag ah ama kur ah.
rabadin 1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.
rabaqaad (1) Ratibaadda ama horsiimaynta kutirsaneyaasha urur.
rabaqaad (2) (xis.) Ratibaad kasta oo kutirsaneyaasha urur la siinayo horsiimo huban. Summadda nP, waxay u taagantahay tirada raabaqaad n shey oo markiiba la qaato r shey sida; 5P3 waa tirada raabaqaad 5 shey oo markiiba la qaatay 3 shey.
rabash (1) Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. ld rabshad, rabsho.
rabash (2) Cid qulquladayn. ld rabshadee, rabshee.
rabbaas (1) Orod boodbood leh. ld rabbaasid.
rabbaas (2) Orod boodbood leh samayn (nafley).
rabbaasid eeg rabbaas². ld rabbaas¹.
rabbaayad Xayawaan la baray inuu dadka la dhaqmo.
rabbadh (kiim.) Walax taran badan oo laastiig ah oo macmal ama dabiici ah.
rabbayn eeg rabbee.
rabbaysan (1) 1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho.
rabbaysan (2) 1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xaya-waan rabbaayad ahaansho.
rabbaysasho eeg rabbayso. ld rab-baysi.
rabbaysi ld rabbaysasho.
rabbaysmid eeg rabbaysan¹.
rabbaysnaan eeg rabbaysan². ld rabbaysnaansho.
rabbaysnaansho ld rabbaysnaan.
rabbayso 1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho.
rabbee 1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.
rabbee (1) Geel wax ku tumasho.
<< < 1246 1247 1248 1249 1250 1251 1252 1253 1254 1255 1256 > >>