Ereyga Maanta: dhaniimid
suugeyn eeg suugee.
suugeysad ld suugeysasho.
suugeysan Cunto wax suugo loo yeelay ahaansho.
suugeysasho eeg suugeyso. ld suugeysad, suugeysi.
suugeysi ld suugeysasho.
suugeysnaan eeg suugeysan. ld suugeysnaansho.
suugeysnaansho ld suugeysnaan.
suugeyso Cunto suugo ku darsasho.
suugo Iidaan ka kooban, hilib, khudrad iwm oo laysku kariyey oo cuntada lagu darsado (siiba baastada).
suuji Cid ceejin.
suujin eeg suuji. ld suujis.
suujis ld suujin.
suul (1) Farta weyn ee sacabka ama cagta ku taal.
suul (2) Wax dhammaasho.
suulalgoys Carsaanyo. ld suulgoys.
suuldaar (1) 1. Xiridda hal godlan weyday suulka laga xiro si ay u godlato. 2. eeg qonof. 3. ld suuldaarid.
suuldaar (2) 1. Cid jillaafayn. 2. Hal godlan weydey suulka ka xirid si ay u godlato.
suuldaaran Hal suuldaar lagu sameeyey ahaansho.
suuldaarid eeg suuldaar².
suuldhabaalayn eeg suuldhabaalee. ld suuldhabaalays.
suuldhabaalays ld suuldhabaalayn.
suuldhabaale Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
suuldhabaalee Suuldhabaale samayn.
suuldhabasho eeg suuldhabo.
suuldhabo Far jaawin.
suulgoranyayn eeg suulgoranyee. ld suulgorayayn.
suulgoranyaysan Wax si suulgoranyo ah u xiran ahaansho. ld suulgorayaysan.
suulgoranyaysnaan eeg suulgo-ranyaysan. ld suulgoranyaysnaansho, suulgorayaysnaan, suulgoraya.
suulgoranyaysnaansho ld suulgo-ranyaysnaan.
suulgoranyee Hal geel ah suulgoranyo ah u xiran ahaansho; halgeel ah suulgoranyo ku samayn. ld suulgorayee.
<< < 1391 1392 1393 1394 1395 1396 1397 1398 1399 1400 1401 > >>