Ereyga Maanta: karaari
tabaabulyo tabaabulee Wax qabanqaabin ama agaasimid. ld tabaabu-shee, tabaabulyee, tabaabushee.
tabaabushayn ld tabaabulayn.
tabaabushee ld tabaabulee.
tabaabusho ld tabaabulayn.
tabaadi Neef buuran, cayilan, shilis.
tabaako ld tubaako.
tabaalac (1) Daal badan.
tabaalac (2) Socod badan daal kala kulmid.
tabaalacsan Wax tabaalac hayo ahaansho (cid).
tabaalacsanaan eeg tabaalacsan. ld tabaalacsanaansho.
tabaalacsanaansho ld tabaalac-sanaan.
tabaalayn eeg tabaalee. ld tabaalayo, tabaalays.
tabaalayo ld tabaalayn.
tabaalays ld tabaalayn.
tabaalaysan 1. Wax dhibaato dhaqaale hayso ahaansho. 2. Qof daal badani hayo ahaansho.
tabaalaysnaan eeg tabaalaysan. ld tabaalaysnaansho.
tabaalaysnaansho ld tabaalaysnaan.
tabaalee Cid dhibaato u gaysasho.
tabaalicid eeg tabaalac².
tabaalo 1. Dhib waxtabasho. 2. Waaya-ha adduunka; sah.
tabaaloobid eeg tabaalow.
tabaalow Cid tabaale ku dhacay noqosho.
tabaaqil Dhir teel fog.
tabaashiir (1) Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir (2) (jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
tababbar (1) Tabo aqooneed oo gaar ah oo cid la baro; layli; carbis.
tababbar (2) Qof ama nafley tababar siin.
tababbaran Nafley wax la tababbaray ahaansho.
tababbarid eeg tababbar².
tababbarnaan eeg tababbaran. ld tababarnaansho.
<< < 1402 1403 1404 1405 1406 1407 1408 1409 1410 1411 1412 > >>