Ereyga Maanta: ebyan
ubaxoobid (1) eeg ubaxow. ld ubxoobid.
ubaxow Ubax dhalid (geed). ld ubxow.
ubbo 1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc.
ubbo-ubax (bot.) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.
ubuc (1) Uurkujir. ld oboc.
ubuc (2) Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada qashinsaarka iyo taranka.
ubur Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur.
uburi Awr qooqan, ubur afka ka keenid. ld aburi.
uburin eeg uburi. ld aburin.
ubxaysad ld ubaxaysasho.
ubxaysasho ld ubaxaysasho.
ubxaysi ld ubaxaysasho.
ubxayso ld ubaxayso.
ubxi Ubax yeelasho (geed).
ubxin eeg ubxi. ld ubxis.
ubxis ld ubxin.
ubxoobid ld ubaxoobid.
ubxow ld ubaxow.
udaabtahays Geed geedaha sabuulka leh ka mid ah; gowracato. ld ugaabdays.
udgi Wax caraf u yeelid. ld udgoonee.
udgid eeg udug².
udgin eeg udgi. ld udgoonayn.
udgoon (1) 1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug.
udgoon (2) Wax ur la jecleysto leh ahaansho.
udgoonaan eeg udgoon². ld udgoonaansho.
udgoonaansho ld udgoonaan.
udgoonayn ld udgin.
udgoonee ld udgi.
udgoonsad ld udgoonsasho.
udgoonsasho eeg udgoonso. ld udgoonsad.
<< < 1456 1457 1458 1459 1460 1461 1462 1463 1464 1465 1466 > >>