Ereyga Maanta: caynaano
waqaf (2) Hanti maguurto ah Ilaah dartiis u hibayn (sida guri).
waqal 1. Daruur biyeysan. 2. Roob.
waqcad 1. Waxyeello weyn. 2. Goob dagaal taariikhdiisa la wada hayaa uu ka dhacay. 3. Dagaal caan ah.
waqdhaac (1) ld waqdhaacid.
waqdhaac (2) Xoolo Allabari dartiis u qalid.
waqdhaacid eeg waqdhaac². ld waqdhaac¹.
waqdhaacin (dii.) Xoolo Ilaah dartiis loo qalo oo lagu ducaysto. ld waqdhaac¹.
waqdhis Dhismo meel laga taago oo lagu xusuusanayo qofdhintay oo qabrigiisu meel kale ku yaal.
waqfid eeg waqaf².
waqlal (1) ld walqal¹.
waqlal (2) ld walqal².
waqlalid ld walqalid.
waqooyi ld woqooyi.
Waqooyiga Ameerika (juqr.) Waqooyiga Ameerika (Af-Ingiriis: North America; Af-Carabi: أمريكا الشمالية) waa qaarada shanaad ee ugu wayn deegaanda dhulka. Qaaradani waxaa ku yaala sadex wadan oo kali ah, kuwaasi oo kala ah: Kanada, Mareykanka, Meksiko.
waqti (1) 1. Waa; goor; jeer; shin; ammin. 2. Xilli; nur. ld wakhti.
waqti (2) (fiis.) Summad t. Xaddiga sahla in aynu kala saarno laba dhacdo oo isku mid ah, kana dhacay isku meel. Gaalis u dhexeeya labadaa dhacdo ayaa ah aasaaska cabbirka waqtiga.
waqtilumis 1. Waqtiga oo aan laga faa'iidaysan. 2. Waxyaabo laysku maaweeliyo oo waqtiga laysku dhaafiyo, sida shax, turub iwm.
waqtiqaadasho eeg waaqtiqado.
waqtiqaado Raaxaysasho.
war (1) 1. Wax aan hore loo ogeyn oo laysu sheego. 2. Hadal.
war (2) Meel weyn oo la qoday oo biyuhu fariistaan.
war (3) ld waryaa.
war (4) Wax qorrax iyo dabayl u dhigid.
waraab (1) 1. Biyo siinta xoolo oomman biyo la siiyo. 2. W. ah: beer aan roob ku bixin oo webi, il iwm laga biyo siiyo. 3. ld waraabid.
waraab (2) Ku filqinta biyaha dhulka dushiisa si aan dabiici ahayn, si loo fududeeyo ku beerista dalagga meel haddii aan la waraabin bixiddiisu aysan suurtagal ahaan lahayn, roobka oo ku yar awgeed.
waraab (3) Biyo cabbid.
waraabadadow W. ah: qof qori isku dhufta oo waraabe isu beddela; qori-ismaris (sheko-baralay).
waraabalahadal W. ah: qof cida dhurwaaga yaqaan oo fasira.
waraabaqandhis Caano dhaynimo ka baxay oo aan aad u suusucin.
waraabe Dhurwaa.
<< < 1487 1488 1489 1490 1491 1492 1493 1494 1495 1496 1497 > >>