Ereyga Maanta: mudniin
boogoobid eeg boogow². ld boogow¹.
boogow (1) ld boogoobid.
boogow (2) Boog yeelasho.
boohaar 1. Cabbir u gaar ah beeyada oo u dhigma afar kiintaal. 2. Falxad. 3. B. ah: nafley aad u xoog badan.
boohi ld oohi.
boohin ld oohin.
boohise Codbaahiye.
boojaal Digaag aan weli curan.
boojay Maroodi yar oo caanannuug ah.
booji 1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid.
boojimo Gabar xoog lagula baxay oo aan yarad laga bixin.
boojin eeg booji.
boojis Qof hubeysan oo si sharci darro u laaayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iwm.
boojisnimo Boojis ahaansho.
boolaboolo Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. ld boolamboolo.
boolamboolo ld boolaboolo.
boolaxooftayn ld boolixooftayn.
boolaxooftee ld boolixooftee.
boolaxoofto ld boolixoofto.
boolayn eeg boolee. ld boolo.
boolbare ld boodhar.
boolbire ld boodhar.
booldhannimo Booldhe ahaansho.
booldhe Dhasha biciidka.
boolee Ciyaar turub haad u boqrid.
booli (1) Hanti qof lahaa oo qof kale si sharci darro ah u milkiyo.
booli (2) Hanti qof lahaa, qof kale si sharci darro ah ku milkiyid.
boolibabtaydh (baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.
boolicun Qof hanti booli ah ku dhaqma. ld boolicune, booliquute.
boolicune ld boolicun.
<< < 156 157 158 159 160 161 162 163 164 165 166 > >>