Ereyga Maanta: hirqad
caadayso Wax caado ka dhigasho.
caadbax (1) ld caadbixid.
caadbax (2) 1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.
caadbixid eeg caadbax². ld caadbax¹.
caaddifad ld caaddifo.
caaddifi 1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.
caaddifo Dareen u nuglaansho waxa qof ku dhaca ama uu sameeyo. ld caaddifad.
caaddil Qof dadka marka uu u garnaqayo aan u kala eexan.
caaddilnimo Caaddil ahaansho.
caadgoror Roob yar oo ka yimaada daruuraha caadka ah; shuux.
caadi C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah.
caadinnimo (1) Caadi ahaansho (wax).
caadinnimo (2) Tirada garaam-isudhigan ee ku jirta hal disimitir oo saddex jibbaaran (Idm3=IL) oo milan ah.
caadiyaal ld caadyaal.
caadla'aan 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
caado 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
caado wareer Waa nooc xanuun caado dumarka intooda badan la kulmaan inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. anuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada laakin waxuu ufaafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
caado-immaansho Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan.
caado-raacnimo Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan.
caadoxanuun Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
caadyaal C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal.
caadyaalnimo Caadyaal ahaansho (Ilaahay).
caafi Cid caafimaad siin (Eebbe).
caafimaad (1) Cudur iyo jirro la'aan.
caafimaad (2) Cudur, jirro iwm ka bogsasho.
caafimaad-beeleed (daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.
caafimaaddarro Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
caafimaadi Nafley caafimaad siin (Ilaah).
caafimaadid eeg caafimaad².
caafimaadin eeg caafimaadi.
<< < 179 180 181 182 183 184 185 186 187 188 189 > >>