Ereyga Maanta: xiltirid
cadaadsan Wax la cadaadiyey ahaansho.
cadaadsanaan eeg cadaadsan. ld cadaadsanaansho.
cadaadsanaansho ld cadaadsanaan.
cadaawad ld cadaawo.
cadaawannimo Cadaw ahaansho.
cadaawe 1. Qof ama dad badan oo cid kale colaad iyo xumaan u haysa; cadaawe. 2. Qof aan naxariis lahayn. ld cadow.
cadaawo Nacayb iyo colaad qof cid u hayo. ld cadaawad.
cadadaysan ld cad-cadaysan.
cadadaysnaan ld cadcadaysnaan.
cadadaysnaansho ld cadcadaysnaan.
cadadee ld cadcadee.
cadadeyn ld cadcadeyn.
cadadi Lacagta inteeda birta ah; qaddaaddiic; sanuud.
cadadoobid ld cadcadoobid.
cadadow ld cadcadow.
cadanyo Cuncun oogada laga dareemo. ld cadayo¹, canaanyo, cananyo.
cadanyoo Cadanyo dareemid. ld cadayoo, canaanyoo, cananyoo.
cadanyood eeg cadanyood. ld cadayood, canaanyood, cananyood.
cadar 1. Wakhti daruuro badan oo aan da'ayn ay isku gudbaan fallaaraha iyo kulaylka qorraxda. 2. Xilli qabow oo aan roob da'ayn. 3. ld catar. Barafuun; catar.
caday 1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay.
cadayasho eeg cadayo².
cadayo (1) ld cadanyo.
cadayo (2) Ilko caday ku nadiifsasho.
cadayoo ld cadanyoo.
cadayood ld cadanyood.
cadbaar (cadadbaar, m.l) (daaw.) Cad yar oo laga jaro xubin ka mid ah jirka si loogu baaro waynaysada waana habka ugu saxsan oo lagu sugo aqoonsiga kansarka.
cadcad (1) Waxaro yaryar oo aan weli ababin.
cadcad (2) 1. Ka c.: qof, qof kale ka firfircoon ahaansho. 2. Bar cadcad lahaansho.
cadcadaysan Wax la cadcadeeyey ahaansho. ld cadadaysan.
cadcadaysnaan eeg cadcadaysan. ld cadcadaysnaansho, cadadaysnaan, cada-daysnaansho.
<< < 191 192 193 194 195 196 197 198 199 200 201 > >>