Ereyga Maanta: ilgal
calfasho ld calafsasho.
calfid eeg calaf³.
calfo ld calafso.
calgo Xaskul.
caliqabsade Nooc cayayaanka ka mid ah, soo baxa waqtiyada qabowga, lehna dhacaan laysku qaras falo.
callaaf ld lacaaf.
callaal (1) 1. Kiish yar oo caw ka samaysan oo hilibka, timirta iwm lagu rito. 2. In yar oo raashiin ah oo xayawaanka lagu dabo. 3. Deeq yar oo qof hawl qabtay la siiyo. 4. Alaab yar oo meel loo wado. 5. ld callaalid. ld calaal¹.
callaal (2) 1. Qof laga rabo in uu hawl qabto deeq yar siin; laaluushid. 2. Alaab yar gaadid raran saarid. ld calaal².
callaalad ld callaalasho.
callaalasho eeg callaalo. ld calaalad, calaalasho, callaalad.
callaalid eeg callaal². ld calaal¹, calaalid, callaal¹ (4).
callaalo Alaabo yar gaadiid saarasho. ld calaalo.
callaq (1) ld callaqid.
callaq (2) 1. Wax meel ka laalaadin. 2. Wax jaho ku aaddin.
callaqan (1) Wax la callaqay noqosho.
callaqan (2) Wax la callaqay ahaansho.
callaqid eeg callaq². ld callaq¹.
callaqmid eeg callaqan¹.
callaqnaan eeg callaqan². ld callaqnaansho.
callaqnaansho ld callaqnaan.
callayr Garannuug dheddig oo aan weli gaarin da'dii rimay qaadka.
calman Wax la calmaday ahaansho.
calmanaan eeg calman. ld calmanaansho.
calmanaansho ld calmanaan.
calmasho eeg calmo.
calmi (1) Dersi; cashar.
calmi (2) Cid dersi siin.
calmin eeg calmi².
calmo Wax si aad ah u jecleysasho.
calool 1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
<< < 204 205 206 207 208 209 210 211 212 213 214 > >>