caloolyow (2) Qof la kulmay arrin adag oo uusan xal u haynin welwel iyo walaac ku beermid.
calooshi-lacayaar (calooshood-lacayarro, m.dh) Qof maalintaas hantidiisu sida ay tahay u dhaqma oo aan mustaqbalka ka fikirin.
calooshi-ushaqayste (calooshood-ushaqaystayaal, m.l) Qof loo kireysto dil, dhac, qarbudaad iwm.
calow (1) 1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
calow (2) Biyo, dhoobo ku qasmid.
calqad ld qalcad.
calwasaad (1) 1. Hadal qof hurdayo uu ku hadlo; qarow. 2. ld calwasaadid.
calwasaad (2) (daaw.) Xaalad muddo gaaban ee maskaxda shaqadeedu isku qasanto oo la socoto jirro maskaxda.
calwasaad (3) Qof hurdaya hadlid. ld carwasaad².
calwasaadid eeg calwasaad². ld calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
calwi Biyo, calow ka dhigid.
calwid eeg calow².
calwin eeg calwi.
calwis Wadaan aad u weyn.
calyannaqsad ld calannaqsasho.
calyannaqsasho ld calannaqsasho.
calyannaqsi ld calannaqsasho.
calyannaqso ld calannaqso.
calyee Wax calyo ku halllayn; calyo ku qoyn. ld candhuufayn.
calyeyn eeg calyee.
calyo (c.nafl.) Dareere aan midab lahayn, qanjirrada xayawaanka ka yimaada oo cunnada jilciya; candhuufo.
calyoceshade (c.nafl.) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.
camaajiir Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo'da iyo riyaha.
camaarrey Tiro aad u badan oo dad, xoolo iwm ah.
camaaryaley 1. Nooc ka mid ah abeesooyinka waaweyn. 2. Wax tiradoodu aad u badantahay; camaarrey.
camajuuji Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. ld camandhuuji, camanjuuji.
camajuujin eeg camajuuji. ld camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.
camajuujis ld camajuujin.
camal 1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tus. “Buuggaas camal ii keen”.
camalfal (1) ld camalfalid.
<< < 207 208 209 210 211 212 213 214 215 216 217 > >>