camarre Gorayo yar oo aan weli lab iyo dheddig loo kala saari karin.
camashoo U c.: caro dareemid.
camashood eeg camashoo.
cambaabbur Canjeelo.
cambaar (1) 1. Roob da'a xilli jiilaal. 2. Xiddig magaciis.
cambaar (2) (daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo goobo-goobo waaweyn oo cuncun leh u yeela; halaamacood maqaarka intiisa sare oo leh cuncun, finan iyo qolof.
cambaarayn eeg cambaaree.
cambaarcad Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad.
cambaaree 1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.
cambaarmadow Cambaar aad u cuncun badan; goosato.
cambaaroobid eeg cambaarow.
cambaarow 1. Wax cambaar ku dhacday noqosho. 2. Wax la dhaleeceeyay noqosho (qof).
cambar Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. ld canbar.
cambarshe 1. Qalab qaab bil leh, lacag ka samaysan, shunufyo ka laalaadaan oo haweenku qoorta ku xirtaan. 2. Uunsi cambar lagu daray. 3. Nooc cambarka ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn. ld canbarshe.
cambaruud Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
cambe Geed weyn, dhulka kuleylaha ka baxa oo leh caleemo dhuudhuuban iyo miro macaan dhexda laf weyn ku leh. ld cambo.
cambo ld cambe.
cambus (1) ld cambusid.
cambus (2) Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid.
cambusid eeg cambus². ld cambus¹.
cambuul (1) 1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iwm ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. ld abbuul, ambuul, cabbuul.
cambuul (2) Qodaxda sarmaanta marka ay curdanka tahay; dhambacaluul.
cambuulee Badar cambuulo ka dhigid.
cambuuleyn eeg cambuulee.
cambuulo Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
cambuur (1) 1. Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg. 2. ld camambuurid.
cambuur (2) ld camambuur².
cambuurid ld camambuurid.
camcami Nafley dhulka ku rafin.
camcamin eeg camcami. ld camcamis, camcamo (3).
<< < 209 210 211 212 213 214 215 216 217 218 219 > >>