canaanyood ld cadanyood.
canaasiir 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
canab 1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab.
cananaas Geed ka baxa kulaylaha oo dhala buruq kuusan, macaan oo korka ku leh qolof kurtumo leh, madaxa sarena caleemo dhuudhuuban oo adag.
cananno Dhacaan cad, dhirta qaarkeeda ka yimaadda oo ku dhega wixii taabta oo adag.
cananyo ld cadanyo.
cananyoo ld cadanyoo.
cananyood ld cadanyood.
canbar ld cambar.
canbarshe ld cambarshe.
canceeno Raxmad; naxariis.
canceensad ld canceensasho.
canceensasho eeg canceenso. ld canceensad.
canceenso Cid canceeno ka dalbasho.
candallaa ld cantalyaa.
candhaaq (1) ld candhaaqid.
candhaaq (2) Si kala daadsanaan iyo qaabdarro ah u fadhiyid (qof).
candhaaqid eeg candhaaq². ld can-dhaaq¹.
candhaaqsasho eeg candhaaqso. ld can-dhaaqsi.
candhaaqsi ld candhaaqsasho.
candhaaqso Si candhaaq ah u fadhiisasho.
candhabeel (1) 1. Cudur ku dhaca candhada oo xididdada caanaha waaxyeela. 2. ld candhabeelid.
candhabeel (2) Cudur candhada ku dhacay awgeed xididdada caanaha waxyeeloobid.
candhabeelid eeg candhabeel². ld candhabeel¹ (2).
candhable Gun, sal.
candhadheer Waraabaha kan dheddigga ah.
candhakar (1) Weynaan iyo barar ka muuqda candho aad caano uga buuxsameen.
candhakar (2) Candho xoolaad aad u dararid.
candhakarid eeg candhakar².
candhakarsan Candho xoolaad wax aad u dararay ahaansho.
<< < 211 212 213 214 215 216 217 218 219 220 221 > >>