Ereyga Maanta: lasow
casiisad 1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
casiisnimo Cisiis ahaan.
casil Qof jago hayo ka qaadid.
casilaad 1. Ka qaadista nin siyaasi ah xilka. 2. ld casilid.
casilid eeg casil. ld casilaad (2).
casir (1) ld casar.
casir (2) Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid.
casirid eeg casir².
caskarayn ld askarayn.
caskaree ld askaree.
caskari ld askari.
caskarinnimo ld askarnimo.
caskramaroodi ld askarmaroodi.
casmali (1) C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
casmali (2) Tarbuush guduudan.
casow Wax cas noqosho.
casri 1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda.
casriyayn eeg casriyee.
casriyee Wax, wax cusub oo waqtiga la socda ka dhigid.
casumaad Cunto ka kooban noocyo badan oo qof la sharfayo loo sameeyo. ld casuumad.
casuman Wax la casumay ahaansho.
casumid eeg casun.
casumnaan eeg casuman. ld casumnaansho.
casumnaansho ld casumnaan.
casun Cid casuumad u fidin.
casuumad ld casumaad.
casuuro Midab casaan xigeen ah.
casuus Midab cas oo caddaan ku jiro.
cataabid eeg catow². ld catow¹ (2).
catajab (1) ld cashatab¹.
<< < 228 229 230 231 232 233 234 235 236 237 238 > >>