Ereyga Maanta: mudniin
ciyaari (2) ld cayaari².
ciyaarid ld cayaarid.
ciyaarin ld cayaarin.
ciyaarsii ld cayaarsii.
ciyaarsiin ld cayaarsiin.
ciyaarsiis ld cayaarsiin.
ciyaartoy (1) ld cayaartoy¹.
ciyaartoy (2) ld cayaartoy².
ciyaaryahan ld cayaaryahan.
ciyaaryaxaas ld cayaaryaxaas.
ciyi 1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel.
ciyibidix Ciyi loo leexshay bidix oo lagu daray masaydii bidixda ka jirtay masayda ciyiga laga qabtay, marka raarka la sameynayo.
ciyid eeg ci'².
ciyimidig Ciyi midig loo leexiyey si loogu daro masayda midigta ka jirta masaydii ciyiga laga qabtay, marka raarka la samaynayo.
ciyoon ld ciyow².
ciyow (1) Shimbir gelinka hore ee habeenkii cida.
ciyow (2) Si dhaqso ah, si degdeg ah. ld ciyoon.
cobol Geed abaareed, caleen ballaaran oo aan qodax lahayn.
cod (1) 1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iwm. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
cod (2) (nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.
codasho eeg codo.
codayn eeg codee.
codbaahiye Qalab elegtaroonig ah oo codka dheereeya.
codbixi Wax la dooranaayo cod ka dhiibasho.
codbixin eeg codbixi. ld codbixis.
codbixis Dhiibashada cod laga dhiibto wax la dooranayo. ld codbixin.
codcod Subag sixin ah oo fariistay.
codee 1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid.
codeyn (c.af) Laan ka mid ah cilmiga afka oo la xiriira dhawaaqyada ereyada.
codkac (c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah).
<< < 257 258 259 260 261 262 263 264 265 266 267 > >>