Ereyga Maanta: ilgal
dalab (1) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab (2) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan.
dalab (3) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.
dalable Qof hal lug dalab ku leh.
dalag Miraha la beerto ee la cuno.
dalag geddis Habka beerashada oo ku salaysan in dalagyo kala duwan lagu beero dhul isku mid ah, si gaar ah oo isku xigta.
dalaggeddi Beer, dalaggii hore ee ku beernaa mid ka duwan ku beerid.
dalaggeddin eeg dalaggeddi. ld dalaggeddis.
dalaggeddis ld dalaggeddin.
dalagle Nin beerrey ah.
dalalaco D. ah: rati aan lugaha xarig uga xirnayn.
dalalka horumaray Waddamadda horumarka ka sameeya dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada iyo teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha, iyo heerka nolosha qofka, iyo bulshada.
dalalka soo koraya Waddamadda aan weli horumar ka samayn dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada, teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha heerka nolosha qofka iyo bulshada.
dalambaabbi (1) 1. D. ah: socod qofku hadba dhan u ciirayo tabar darro awgeed. 2. ld dalambaabbiyid.
dalambaabbi (2) Tabardarro awgeed, socod hadba dhan loo ciirciirayo socosho (qof).
dalambaabbin ld dalambaabbiyid.
dalambaabbiyid eeg dalambaabbi. ld dalambaabbi¹ (2), dalambaabbin.
dalan Wax asqo hayso noqosho.
dalandal (1) 1. D. ah: ilmo socod barad. 2. ld dalandalid.
dalandal (2) Ilmo, socod barasho.
dalandalid eeg dalandal². ld dalandal¹ (2).
dalandool (1) 1. Socod noqnoqosho leh oo laba meel oo kala fog la isaga goosho. 2. ld dalandoolid.
dalandool (2) Socod noqnoqosho leh laba meel oo kala fog isaga gooshid.
dalandoolid eeg dalandool². ld dalandool¹ (2).
dalandoolli Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. ld dalandoolyo.
dalandoolyo ld dalandoolli.
dalankac (1) 1. Masiibo. 2. ld dalankicid.
dalankac (2) Masiibo la kulmid.
dalankacayn eeg dalankacee.
dalankacee Si celcelis ah u turanturrood.
<< < 306 307 308 309 310 311 312 313 314 315 316 > >>