Ereyga Maanta: tuux
dhaaclaysnaansho ld dhaaclaysnaan.
dhaacle 1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.
dhaaclee Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee.
dhaad (1) Meesha kubku u yaryahay ee canqawga ka sarraysa.
dhaad (2) 1. Neef qoob ka xirid si aanu u cararin. 2. Dheri, xeero, burjiko iwm tolid. 3. Wax fahmid ama garasho (cid). ld dhaag.
dhaadan 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iwm).
dhaadasho eeg dhaado.
dhaaddan Wax ladnaani ka muuqato ahaansho (nafley).
dhaaddanaan eeg dhaaddan. ld dhaaddanaansho.
dhaaddanaansho eeg dhaaddanow. ld dhaaddanaan.
dhaaddanow Wax dhaaddan noqosho (nafley).
dhaaddi Dhedo.
dhaaddin Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.
dhaaddisaar Dh. ah: neef markii uu dhalay rimay.
dhaadhac (1) 1. Lacag aan la xoogsan oo qofka siyaaba dadban ku soo gasha. 2. ld dhaadhicid. 3. ld dhacdhac¹.
dhaadhac (2) Meel hoose u degid.
dhaadhici 1. (f.g) Cid hoos u dejin. 2. (f.mg) Ka dh.: arrin si fiican u fahamsiin.
dhaadhicid eeg dhaadhac². ld dhaadhac¹ (2).
dhaadhicin eeg dhaadhici. ld dhaadhicis.
dhaadhicis ld dhaadhicin.
dhaadi Qof wax u muujin.
dhaadid eeg dhaad². ld dhaadis, dhaagid.
dhaadid (1) ld dhaagid.
dhaadin eeg dhaadi.
dhaadis ld dhaadid.
dhaadnaan eeg dhaadan. ld dhaadnaansho.
dhaadnaansho ld dhaadnaan.
dhaado 1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn.
dhaaf 1. (f.g) Meel ama wax weydaarasho ama gudbid. 2. (f.g) Wax faraha ka qaadid; deyn. 3. (f.mg) Ku dh.: wax sida ay yihiin u deyn. 4. (f.mg) Ku dh.: cid wax ammaano ahaan ugu dhiibasho.
dhaafdhaaf U dh.: hor iyo gadaal u socosho.
<< < 348 349 350 351 352 353 354 355 356 357 358 > >>

