Ereyga Maanta: tabatabbo
dhaawacan (2) Wax dhaawac gaarey ahaansho.
dhaawacmid eeg dhaawacan¹.
dhaawacnaan eeg dhaawacan². ld dhaawacnaansho.
dhaawacnaansho ld dhaawacnaan.
dhaawan Wax la dhaaway ahaansho. ld dhawan.
dhaawanaan eeg dhaawan. ld dhaawanaansho, dhawanaan, dhawanaansho.
dhaawanaansho ld dhaawanaan.
dhaawasho eeg dhaawo. ld dhawasho.
dhaawicid eeg dhaawac².
dhaawid eeg dhaaw². ld dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.
dhaawis ld dhaawid.
dhaawo 1. Cid in dhibaato ku dhacdo u Alla tuugid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka dabiibasho. ld dhawo.
dhaaxa Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tus. “Dh. buu ku sugay”. ld dhaaxaa.
dhaaxaa ld dhaaxa.
dhaay ld dhay².
dhaayatiix Dh. ah: wax aad u qurxoon.
dhaayin Caws qoyan ku sii dambeeyo.
dhaayo Xubnaha aragga; indhaha.
dhab 1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).
dhabaabacayn eeg dhabaabacee. ld dhabaabacays, dhabaabaco.
dhabaabacays ld dhabaabacayn.
dhabaabacee Hab dhabaabaco ah u ordid (geel).
dhabaabaco Hab geelu u ordo oo afarta addinba mar qaado. ld dhabaabacayn.
dhabaalayn eeg dhabaalee. ld dhabaalo.
dhabaalee 1. Dhabaale ku dhufasho. 2. Gubaabin.
dhabaalo ld dhabaalayn.
dhabaalyee Nafley canaanasho.
dhabaalyeyn eeg dhabaalyee. ld dhabaalyo.
dhabaalyo ld dhabaalyeyn.
dhabaandhaw (1) 1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo. ld dhabaandhebid.
<< < 352 353 354 355 356 357 358 359 360 361 362 > >>