Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
harjadid  eeg harjad². ld harjad¹ (3).
harmataan  (juqr.) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.
harmi  1. Wax nijaasayn. 2. Beer caws ka falid.
harmin  eeg harmi.
haro  1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
haro folkaaneed  (jool.) Biyo-fadhiisin ku samaysmay karaytar folkaano oo cidhib go'ay.
haro-xeebeed  (juqr.) Biyo gun gaaban oo qayb ahaan ama dhammaan uu liid dhuleed dhuuban badda ka gooyo.
harowsad  ld harowsasho.
harowsasho  eeg harowso. ld harowsad, harowsi.
harowsi  ld harowsasho.
harowso  Hadal been iyo khiyaamo ku jirto qof ka dhaadhicin.
harqaamaan  eeg harqaaman. ld harqaamaansho.
harqaamaansho  ld harqaamaan.
harqaaman  Wax tolan ahaansho.
harqaamasho  eeg harqaamo.
harqaamid  eeg harqaan².
harqaamo  Maro iwm tolasho.
harqaan1  1. Dhul beereed, aan carro madow ahayn, ee dhagxaanta iyo carro guduuddu ku badantahay, oo dhulka adablaha ah xagga dhagaxa ka xiga. 2. ld kharqaan, sharqaan. Makiinad dharka lagu tolo. harqaan2  Dhar makiinad ku tolid. harqaanle  Qof dharka makiinad ku tola. ld kharqaanle, sharqaanle.
harqaboobe  Galab ama subax marka qorraxdu gaabantahay.
harqad  1. Gabal maro ah. 2. Galka barkinta. 3. ld harqasho.
harqasho  eeg harqo. ld harqad (3), hirqad, hirqasho.
harqi  1. Cid biyo ku hafin. 2. Cid wax aad uga dhergin. 3. ld hirqi.
harqin  eeg harqi. ld hirqin. ld harqis.
harqis  ld harqin.
harqo  1. Nafley biyo ku hafasho. 2. Nafley wax aad uga dhergid. ld hirqo.
harqood  Qalab ay jiidaan laba dibi oo beeraha lagu falo.
harqoodaal  Harka galabtii walxaha iyo nafleydu yeeshaan.
harraad1  Baahi biyo loo qabo.
page : 39 of 93
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>