qariib (3) U q.: wax helitankooda dhibaato iyo xakaar u marid.
qariibi Qof qariib ah dhoweyn.
qariibid (1) 1. Cunidda badar, sonkor iwm iyadoo aan la karin la cuno. 2. Q. ah: xoogaa badar, sonkor iwm ah oo aan la karin.
qariibid (2) eeg qariib³.
qariibin eeg qariibi. ld qariibis.
qariibis ld qariibin.
qariid (1) Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
qariid (2) Badar iwm ceeriin ku cunid.
qariidid eeg qariid².
qariin Geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu oomo cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
qariir In yar oo badar ah oo qeedhiinka lagu cuno.
qariisad (baay.) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah. ld inistinkt.
qarin eeg qari. ld qaris.
qaris ld qarin.
qarjaamaysad ld qarjaamaysasho.
qarjaamaysasho eeg qarjaamayso. ld qarjaamaysad, qarjaamaysi.
qarjaamaysi ld qarjaamaysasho.
qarjaamayso Xoolo meel xaaluf ah jooga, dhul xaabid.
qarmuun (1) ld qurmuun¹.
qarmuun (2) ld qurmuun².
qarmuunaan ld qurmuunaan.
qarmuunaansho ld qurmuunaan.
qarmuusi Dharka xariirta ah nooc ka mid ah oo lagu sameeyo gobolka Qarmuusi ee u dhexeeya Iraq iyo Iiraan.
qarni Boqol sano.
qarnugeyl Nafley dheddig oo abaahida ama galmada horeba ku rinta; tiblabood. ld qarnugul.
qarnugul ld qarnugeyl.
qaro ld qiro¹.
qaroobbe 1. Fur ubbo oo qori ah oo dalool yar dhexda ku leh. 2. Gafuurka shimbiraha.
qaroof Wax toosan qalloocin.
qaroofali Maro midab leh oo dalka Hindiya laga keeni jirey oo ay dumarku marsiino ka dhigan jireen.
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>