Ereyga Maanta: caynaano
fayiig1  Daymo aan indhaha aad loo kala qaadeyn iyadoo la fiirinayo wax fog ama iftiin xoog badan oo indhaha ka horyimaada. fayiig2  Ku f.: wax indho ku baniixin. fayiigid  eeg fayiig².
fayiigsad  ld fayiigsasho.
fayiigsasho  eeg fayiigso. ld fayiigsad, fayiigsi.
fayiigsi  ld fayiigsasho.
fayiigso  Indho binixsi samayn.
fayiix  ld feex.
fayl1  1. Gal. 2. Kaabiga ugu sarreeya ceel afkiisa. fayl2  Boqonta lugta. faylaggoo  1. Nafley boqongoyn. 2. Cid khasaare ballaaran u geysasho.
faylaggoyn  eeg faylaggoo.
faylam  (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolaha kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku dhow oo dir. Faylamka waxa ka mid ah borotosoowa, borifera, nimatoodha, artaroboodho, moolaska iyo koordhaata.
faylasuuf  Nin cilmiga falsafada yaqaan.
faylduub1  Qaab loo xiro neef si aanu u cararin iyadoo boqonta xarig looga dhuujinayo. faylduub2  Neef si uusan u cararin boqonta xarig kaga giijin. faylduuban  Neef, wax la faylduubay ahaansho.
faylduubid  eeg faylduub².
faylduubnaan  eeg faylduuban. ld faylduubnaansho.
faylduubnaansho  ld faylduubnaan.
fayo  Caafimad, jiro la'aan, bedqabid. ld fayad.
fayodhowr  (daaw.) Cilmiga caafimaadka iyo aqoonta ilaalinta caafimaadka gaar ahaan horumarinta nadaafadda.
fayoobaan  eeg fayow. ld fayaabi, fayoobaansho, fayoobi.
fayoobaansho  ld fayoobaan.
fayoobi  ld fayoobaan.
fayow  Wax caafimaad qaba ahaansho.
fayraq  Maro si dhuudhuub ah loo jeexay jeex ka mid ah.
fayras  (daaw.) Saxar aad u yar oo aan lagu arki karin weyneyso fudud ama aan lagu shaandhayn karin shaandho, laakiinse awood u leh, inuu ku dhalo kuna dheefsado unug kale dhexdiisa.
fays  Catir.
faytamiin  (baay.) Mid ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noolayaashu uga haahanyihiin xaddi yar si ay cafimaadkooda u sugaan. ld fitamiin
page : 40 of 73
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>