Ereyga Maanta: umaamadan
dheellila'aan Dheellitir; dheelli la'ahaanshada.
dheellin ld dheelliyid.
dheellis ld dheelliyid.
dheellitir (1) 1. Isle'ekeysiinta culayska saaran wax labadiisa dhinac. 2. Isle'ekeysiinta xisaab labadeeda dhinac. 3. ld dheellitirid.
dheellitir (2) Xisaab labadeeda dhinac isle'ekeysiin.
dheellitiran (1) Wax la dheellitiray noqosho.
dheellitiran (2) Wax la dheellitiray ahaansho.
dheellitirid eeg dheellitir². ld dheellitir¹ (2).
dheellitirnaan eeg dheellitiran². ld dheellitirnaansho.
dheellitirnaansho ld dheellitirnaan.
dheelliyid eeg dheelli². ld dheelli¹ (2), dheellin, dheellis.
dheelmad ld dheelmasho.
dheelmasho eeg dheelmo. ld dheelmad, dheelmataan, dhelmatiin.
dheelmataan Socod habeenkii la socdo. ld dheelmasho.
dheelmatiin ld dheelmasho.
dheelmi Wax habeen guuragelin.
dheelmid eeg dheelan². ld dheelan¹.
dheelmin eeg dheelmi. ld dheelmis.
dheelmis ld dheelmin.
dheelmo Habeen socosho; guurayn.
dheelsii 1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. ld dheeli.
dheelsiin eeg dheelsii. ld dheelin.
dheeman 1. Macdan aan midab lahayn, aad u adag, kana qaalisan macdanta kale. 2. Afarta haad ee turubka mid ka mid ah, calaamad afar gees ah oo guduudan leh.
dheen Geed weyn, aan qodax lahayn, caleemo yaryar, miro macaan oo la cuno leh oo ka baxa biyo mareennada.
dheer (1) Siil.
dheer (2) 1. (f.mg) Wax aan jooggiisu gaabnayn ahaansho. 2. (f.mg) Wax meel fog ku sugan ahaansho. 3. (f.mg) Waqti muddo la sugayo ama la soo dhaafay ahaansho. 4. (f.g) Is dh.: isla mid ahaansho, kisi ahaansho (nambar).
dheeraad Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. ld dheeri¹.
dheeraan eeg dheer². ld dheeraansho, dheeri².
dheeraansho eeg dheerow. ld dheeraan.
dheeraar Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan.
<< < 394 395 396 397 398 399 400 401 402 403 404 > >>