qarqarsi (2) 1. Awr la rarayo jeenigiisa iyo luquntiisa xarig iskula xirid si uusan u kicin inta la rarayo. 2. Ku q.: cid wax ku khasbid. ld qarqarsii.
qarqarsii ld qarqari; qarqarsi².
qarqarsiin ld qarqarin; qarqarsiyid.
qarqarsiinyo ld qarqarsi¹, qarqarsiyid.
qarqarsinaan eeg qarqarsiyan. ld qarqarsinaansho.
qarqarsinaansho ld qarqarsinaan.
qarqarsiyan 1. Awr la qarqarsiyey ahaansho. 2. Cid wax lagu khasbay ahaansho.
qarqarsiyid eeg qarqarsi². ld qarqarsiin, qarqarsiinyo.
qarqaryeysan Nafley qarqaryo hayso ahaansho.
qarqaryeysnaan eeg qarqaryeysan. ld qarqaryeysnaansho.
qarqaryeysnaansho ld qarqaryeysnaan.
qarqaryo Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.
qarqaryoo Qarqaryo dareemid.
qarqaryood eeg qarqaryoo.
qarqid eeg qaraq². ld qaraq¹ (2), qaraqmid.
qarqoor (1) Ka baneynta hareera wax la doonayo in la jaro ama la qodo. ld qarqoorid, qooqaar¹.
qarqoor (2) Wax la doonayo in la jaro ama la qodo hareerahooda banneyn. ld qooqaar².
qarqoorid eeg qarqoor². ld qarqoor¹, qooqaar¹, qooqaarid.
qarqoosh Xaqdarro ah, gardaran. Tus. “Xukun q. ah”.
qarraac (1) Q. ah: nafley cabtey biyo aan bi'in karin oonkii hayey.
qarraac (2) Nafley biyo aan oonka bi'in karin cabbid.
qarraacan Qarraac ahaansho (xoolo).
qarraacid eeg qarraac².
qarraacnaan eeg qarraacan. ld qarraacnaansho.
qarraacnaansho ld qarraacnaan.
qarraaf (1) 1. Macsi raadinta ay ragga iyo haweenku sameeyaan. 2. Warwareeg aan dan gaar ah lahayn. 3. ld qarraafid.
qarraaf (2) 1. Galmo aan xalaal ahayn raadin. 2. Risiq raadin.
qarraafid eeg qarraf². ld qarraaf¹ (3).
qarraafis Budaynta xashirka bunka oo kal iyo mooye lagu budeeyo.
qarracan (1) Dareen xanuun leh oo dadka ku dhasha marka uu wax naxdin ama ciil keena ku yimaadaan.
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>