Ereyga Maanta: caynaano
fiiradheeraan  eeg fiiradheer. ld fiiradheeraansho, fiiradheeri.
fiiradheeraansho  ld fiiradheeraan.
fiiradheeri  ld fiiradheeraan.
fiiraggaaban  Wax feker yar ahaansho (qof).
fiiraggaabi  ld fiiraggaabnaan.
fiiraggaabnaan  eeg fiiraggaaban. ld fiiraggaabi, fiiraggaabnaansho, fiirag-gaabni.
fiiraggaabnaansho  ld fiiraggaab- naan.
fiiraggaabni  ld fiiraggaabnaan.
fiiri  1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin.
fiirid  eeg fiir².
fiirin  eeg fiiri.
fiiro  1. Daymo, eegmo. 2. Feker. 3. F. gaar: wax si gaar ah in loo eego loo baahanyahay.
fiirsad  ld fiirsasho.
fiirsasho  eeg fiirso. ld fiirsad, fiirsi.
fiirsi  ld fiirsasho.
fiirso  1. Wax meel ka dayasho. 2. U f.: wax si fiican uga fekerid.
fiirus  (baay.) Noole yaryar oo aan lagu arki karin mikariskoobka caadiga ah oo keena cudurro halis u ah xoolaha, dadka iyo geedaha.
fiish  1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.
fiisika  ld fiisiko.
fiisikis  ld fiisiko.
fiisiko  Barashada xeerarka suga dhismaha uunka marka loo eego maatarka iyo tamarta ee ay ka koobantahay. Caado ahaan, barashada waxa loo qaybin jirey qaybo: kul, ileys, jabaq, danab iyo birlabnimo, iyo mekaaniko. ld fiisika, fiisikis, fisika, fisikis, fisiko.
fiistola  Isudalooshamid aan caadi ahayn ee labo xubnood oo uurkujirtada ka mid ah ama xubin jirka dibeddiisa.
fiito  1. Ubax aan weli dillacin o isku duuban. 2. Caws cosob ah oo aan la daaqin. 3. Dhaawac biskoon waayey. 4. Cudur idaha irmaan naasaha ka gala.
fiix1  1. Firfir subag ah oo marka caanaha la lulo dul sabbeeya. 2. Fuf. 3. Dufan yar oo ka dhashiima laf qorrax taal. 4. ld fiixid. fiix2  ld feex. fiix3  1. Caano firfir yeelasho. 2. Wax sida dhidid, biyo iwm meel ka soo kor bixid. 3. Geed fufid. fiixi  1. Caano firfir ka keenid. 2. Wax ka dhididin. 3. Geed fuf yeelasho.
fiixid  eeg fiix³. ld fiix¹ (4).
fiixin  eeg fiixi.
fijaan  ld fujaan.
page : 50 of 73
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>