Ereyga Maanta: caynaano
firaaqayn  eeg firaaqee.
firaaqee  Firaaqo ka dhigid (meel).
firaaqo  1. Meel aan cidi joogin ama aan wax oollin. 2. Meel aan ciriiri ahayn.
firaaqoobid  eeg firaaqow.
firaaqow  Firaaqo noqosho.
firaari  ld feeraari.
firaarin  ld feeraarin.
firaaris  ld feeraarin.
firaarsan  ld feeraarsan.
firaarsanaan  ld feeraarsanaan.
firaarsanaansho  ld feeraarsanaan.
firaash1   1. Joodari. 2. Maryaha, bustaha iwm ee la dul saaro joodariga. ld furaash. firaash2   Maro, buste iwm joodari dul saarid. firaashan   Wax la firaashay ahaansho.
firaashid  eeg firaash².
firaashnaan  eeg firaashan. ld firaash-naansho.
firaashnaansho  ld firaashnaan.
firasho  eeg firo².
firayn  eeg firee.
fircoon  1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.
firdhaad  1. Wax weyn oo qarxaday ama col jabay, waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca. 2. Dad ama xoolo kala yaacid. ld firdhad (1).
firdhad  ld Firdhaad; firdhasho.
firdhan   Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho.
firdhanaan  eeg firdhan. ld firdhanaansho.
firdhanaansho  ld firdhanaan.
firdhasho  eeg firdho. ld firdhad (2).
firdhi   Kala tuurtuurid; kala yaacin. ld firiri.
firdhid  eeg firir². ld firir¹, firirid.
firdhin  eeg firdhi. ld firirin.
firdhis  Barabaro yaryar oo midab ah oo neef cad oo xoolaha ku firirsan jirkiisa.
page : 55 of 73
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 > >>