Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
koobaabnaan  ld goobaabnaan.
koobaabnaansho  ld goobaabnaan.
koobaabo  ld goobaabo.
koobaad  ld koowaad.
kooban1  Ku k.: wax koobmay noqosho. kooban2  1. Wax la koobay ahaansho. 2. Ku k.: wax ku eg meel oo aan dhaafsaneyn ahaansho. “Ceebtaasi Cali bay ku koobantahay”. 3. Ka k.: wax dhawr shey isugu jira ahaansho. koobi  Ka k.: cid war xiiso leh sheegaysa hadal ka gurid.
koobid  eeg koob².
koobin  eeg koobi.
koobir  Minxiis.
koobmid  eeg kooban¹. ld koobniin.
koobnaan  eeg kooban². ld koob-naansho.
koobnaansho  ld koobnaan.
koobniin  ld koobmid.
kood1  1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa. kood2  ld kooda². kooda1  (kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Kooda ayaa ka wanaagsan kiinna”. kooda2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Macallinkooda ayay la tashadaeen”. ld kood². koodh  ld koor¹.
koodhi  Canshuur dadka laga qaado.
koodhiin  (daaw.) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
koodi  1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho.
koodin  eeg koodi. ld koodis.
koodis  ld koodin.
koofaar  Magac aan qof kiisii runta ahaa ahayn; naanays.
koofi  ld koofiyad.
koofiyad  Shey ka samaysan dun, dhar iwm. oo raggu madaxa gashadaan. ld koofi, koofiyo.
koofiyad xidid  (baay.) Dhisme daboola fiiqa ugu horreeya ee xididka (dhinaca carrada). Waxay ilaalisaa xididka inta uu korayo si uu u dhex maro carrada.
koofiyo  ld koofiyad.
koofur  Jiha waqooyiga liddiga ku ah. ld koonfur.
page : 57 of 73
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>