Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: tabatabbo
beergoys Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).
beeri Miro sida lawska yicibta iwm. qubka sare ka qaadid.
beerid eeg beer³. ld beeris.
beerin eeg beeri.
beeris ld beerid.
beerjilcan Qof raxmad badan ahaansho.
beerjilcanaan eeg beerjilcan. ld beerjilcanaansho, beerjileec (2).
beerjilcanaansho ld beerjilcanaan.
beerjileec 1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.
beerkurus Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
beerkutaal 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. ld uurkutaallo. ld beerkutaallo.
beerkutaallo ld beerkutaal.
beerlaag (baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo hal beer leh.
beerlamaane (baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo laba beer leh.
beerlaxawsad ld beerlaxawsasho.
beerlaxawsasho eeg beerlaxawso. ld beerlaxawsad, beerlaxawsi.
beerlaxawsi ld beerlaxawsasho.
beerlaxawso Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin.
beermid eeg beeran¹.
beernaan eeg beeran². ld beernaansho.
beernaansho ld beernaan.
beernugeyl 1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beernuglaan.
beernuglaan eeg beernugul. ld beernugeyl (2).
beernuglanaansho eeg beernuglow. ld beernuglaan.
beernuglow Qof raxmad badan noqosho.
beernugul Qof raxmad badan ahaansho.
beero Beer ka dhigasaho.
beerqaad (1) ld beerqaadid.
beerqaad (2) Wax si aad ah uga helid.
beerqaadid eeg beerqaad². ld beerqaad¹.
<< < 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 > >>