Ereyga Maanta: dhiifoonaan
habdaran Wax aan la nidaamin ahaansho.
habdarnaan eeg habdaran. ld habdarnaansho.
habdarnaansho ld habdarnaan.
habdarro Nidaamdarro.
habdhaqaaq (fiis.) eeg isle'egta socodka. Qaybta mekaanikada ee la xiriirta socodka walxaha, taas oo aan lagu tixgelinin xoogaggii dhaliyey socodkaasi.
habdhis Xubno isku shaqo ah oo jirka nafleyda ka mid ah sida kuwa dheefshiidka, wareegga dhiigga iwm.
habdhis-dareen-wade (baay.) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada.
habdhis-deegaan (baay.) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada.
habdhis-kulan (xis.) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.
habdhis-limfeed (c.nafl.) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
habdhis-tiro-labaale (xis.) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iwm; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo, tobnaadyo, boqollaadyo iwm.
habdhis-tobanle (xis.) Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku xiran yahay hadba rugta ay yaalliin (eeg sal tiro).
habdhiska dareen-iswada (c.nafl.) Qaybta dareenwadka dhexe ee lafdha-barleyda taas oo ka qaada guyooyinka dareenwade qaabilayaasha, geysana miiq-yada muruqyada sisiban ee wadnaha, dheefmareenka iyo organnada kale ee gudaha.
habe 1. Weel aan biyaha ama caanaha si fiican u celin karin. 2. Dhulka ciiddiisu biyaha si sahlan u sii deyso.
habee H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid.
habeed Raadka kaadida geelu lugihiisa dambe ku reebto.
habeedi Isku h.: geel kaadi isku daadin.
habeedin eeg habeedi. ld habeedis.
habeedis ld habeedin.
habeen Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. ld hameen.
habeen firfircoone Noolayaasha firfircoon habeenkii; xayawaanka noocan ahi wuxuu cuntadiisa raadsadaa habeenkii.
habeenbar Bartamaha habeenka.
habeendhax 1. Safar habeen lagu dhaxo. 2. Gunno yar oo la siiyo qof shaqo meel u aaday.
habeeniso eeg habeeno.
habeenkahar Hooska ay yeeshaan walxuhu subaxnimada hore.
habeennimo Waqti habeen ah.
habeeno Iin araggu yeesho oo si fiican habeenkii aan wax loo arag. ld habeeniso.
habhab 1. Socod ama orod gaabis ah oo culays ku jiro. 2. Fudfudayd si aan laga fiirsan hawl loo qabto.
habhablee Habhab u socosho.
habhableh Qof habhablaya ahaansho.
<< < 680 681 682 683 684 685 686 687 688 689 690 > >>