Ereyga Maanta: gadaalabbar
hanfadin ld handadin.
hanfaf ld handad¹.
hanfafid eeg handad².
hanfariir (1) Argaggax; didmo; sas. ld anfariir¹.
hanfariir (2) Bixid, argagixid. ld anfariir².
hanfariiri Cabsiin, nixin. ld anfariiri.
hanfariirid eeg hanfariir².
hanfariirin eeg hanfariiri. ld anfa-riirin.
hanfariirsan Qof la hanfariiray ahaansho. ld anfariirsan.
hanfariirsanaan eeg hanfariirsan. ld anfariirsanaan, anfariirsanaansho, hanfariirsanaan
hanfariirsanaansho ld hanfariir-sanaan.
hanfi (1) Dabayl kulul.
hanfi (2) (juqr.) Dabayl kulul oo qallalan oo ka soo dhacda meelaha dulaha ah una soo dhacda xeebaha, gaar ahaan dalka koonfurta Afrika; waxaana ay dalkaas ka dhacdaa xilliga jiilaalka. Hanfigu wuxuu dhulka Soomaalida ka dhacaa xilliga xagaaga, waxaanu ka dhacaa Xeebta Badda Cas, sida Berbera iyo Jabuuti.
hangaaguryo Canaan kulul. ld hangaaggurro.
hangaggurree 1. Canaan kulul cid u jeedin. 2. Qof si sir ah u waxyeellayn.
hangaggurreyn eeg hangaggurree. ld hangaggurro.
hangaggurro 1. Canaan kulul oo cid loo jeediyo. 2. Si qarsoodi ah oo cid loo waxyeelleeyo. ld hangaggurreyn.
hangal (1) ld hanqal¹.
hangal (2) Maro cad oo ay in muddo ah xirato haweeney ninkeedii dhintay; asay. ld hengel².
hangalle Orod hal lug lagu ordo.
hangallee Hangalle samayn.
hangalleyn eeg hangallee. ld hangalleys.
hangalleys ld hangalleyn.
hangaraarac Cayayaan yaryar oo lugo badan leh, oogadiisuna leedahay girgiro, midabkiisuna yahay madow. ld hanqaraarac.
hangaralle Harraan, dibqallooc, hanraar.
hangool Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. ld hankool.
haniye (1) Labada carrab oo yaryar oo ku yaal qalalka wadnaha: dhiigga wadnaha soo gelaya ayay soo daayaan oo soo wareegaan inuu dib u noqodana u diidaan.
haniye (2) (c.nafl.) Sooh qaab gaar ah leh oo ay xubnaha qaarkood oo qaab dhuumeed leh u yaal ama meelo ciriiriya socoshada dareere dhex maraya, xubnahaas oo hal jiho oo keliya oo sii deynaya. Gufafku waxay lagama maarmaan u yihiin: aroorrada, wadnaha iyo xididdada liinfada.
haniye-seddex-faraale (c.nafl.) Gufka u dhexeeya qolqolka sare ee midig iyo qolqolka hoose ee midig, wuxuu leeyahay saddex farood oo u sii daaya dhiigga ka yimaada qolqolka sare in uu ku shubmo qolqolka hoose, wuxuuna celiya in dhiigu kor u soo noqdo.
hanjab U h.: qof u cagajuglayn. ld hanjan.
<< < 702 703 704 705 706 707 708 709 710 711 712 > >>