Ereyga Maanta: Sawaab
hanti-abuurid ld hanti-abuur.
hantidhawr 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iwm u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
hantiggelin Maalggelin.
hantiggoosad ld hantiggoosi.
hantiggoosi Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo faa'iidadaba dad gaar ahi leeyahay. ld hantigoosad.
hantigoosad-dawladeed (siyaa.) Hab dhaqaale, ama siyaasad, ee hantida ganacsiga, iyo warshadaha ay leeyihiin dad gaar ah, oo aan ahayn dawlad, kuwaas oo ku tartama fa'idada.
hantihur (1) Hanti isku hallayn loo qaato iyadoo aan la isa siin.
hantihur (2) ku hantihur: Hanti aan la isa siin si isku hallayn ah u qaadasho.
hantihurid eeg hantihur².
hantiile 1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.
hantin ld hantiyid.
hantiwadaag Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.
hantiwadaag-dawladeed (siyaa.) Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.
hantiwadaagee Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.
hantiwadaageyn eeg hantiwadaagee.
hantiwadaagnimo Hantiwadaag ahaansho.
hantiyid eeg hanti². ld hantin.
hantiyoobid eeg hantiyow.
hantiyow U h.: wax uu qof leeyahay noqosho.
hantool Naxash.
hanuun (1) Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.
hanuun (2) Aad iyo aad, si weyn. Tus. “Beerka hanuun buu i xanuunayaa”.
hanuun (3) Qof xume u samayn jirey ka waantoobid.
hanuuni 1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.
hanuunid eeg hanuun³.
hanuunin eeg hanuuni. ld hanuunis.
hanuunis ld hanuunin.
hanuuniye Qof wax hanuuniya.
hanuunsan Wax hanuunsan ahaansho.
hanuunsanaan eeg hanuunsan. ld hanuunsanaansho.
<< < 706 707 708 709 710 711 712 713 714 715 716 > >>